

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
C-Raxmaan Sh. Muxaydiin oo kulan uu
ku khiyaanay dadka ka soo
saaray baaq wahaabiya taageer ah.
16 07 2010
Baaqan uu C/raxmaan Sh. Muxyadiin ka soo
saaray kulanka magaalada Gothenburg
ee dalka Sweden, waxaa ka soo baxay
baaq wahaabiya taageer ah oo aan
aamminsanhay in aanay waxba ka ogayn
lagalana tashan dadkii mu’tamarka
ka soo qayb galay oo ay ku jireen
dad caqiiddadoodu wanaagsan tahay
laakiin ku dhunsan xaqiiqada C/Raxmaan Sh. Muxyaddiin .
Baaqan oo lagu soo qoray websetyada qaar
sida bogga Daynile waxaa laga soo saaray
lix qodob oo ay ka muuqato in ninkaan
aan wax xanuun ihi ka hayn ihaanada iyo
tacadiyada ay khawaarijta Wahaabiyadu
u gaysteen culammaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca,
tacadiyadaasoo isugu jira Dil, Qaxin,
dhac, iyo kuwa dhintay oo Qubuuraha lagala soo baxay.
Qodobbadii baaqa C/Raxmaan Sh. MUxyaddiin waxaa ka mid ahaa
1. Qodobka 3-aad ee baaqa wuxuu C/Raxmaan
Sh Muxyadiin ku sheegay in ay khalad tahay
in la khilaafo wahaabiyada, ama ay is
khilaafaan Ahlu Sunnda iyo wahaabiyadu
uu yahay khilaaf aan loo baahnayn.
2. Wuxuu isla qodobkaas ku diidey in
lala dagaallamo khawaarijta Al-shabaabka
si dalka looga xoreeyo shacabkana looga
bad baadiyo, wuxuuna ku sheegay in uu
yahay dagaal aan loo baahnayn.
3. Isla qodobkaas wuxuu ku sheegay in dadka
Soomaaliyeed aanay ku kala geddisnayn caqiiddada
oo ay boqolkiiba boqol isku caqiidda iyo diin
ahayn . Qodobkaan wuxuu kaligiis ku filanyahay
xiriirka muuqda iyo kan qarsoon ee C/Raxmaan
Sh MUxyaddiin uu la leeyahay Wahaabiyada.
4. Qodobka 4aad wuxuu ku sheegay in shr dib
u hishiisiin ah loo qabto shabaabka, kooxda
shariifka, iyo Xisbu shaydaanka iyo khawaarijaha
xun xun oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwa
siyaasad isku haya laakiin aan caqiidda
isku hayn, wuxuuna soo jeediyey in
shirkaas lagu qabto gudaha dalka.
5. Qodobka 5aad wuxuu ku canbaareeyey in
dagaal loo adeegsado gaarista xukunka ,
wuxuuna horey arrintaan ugu eedeeyey
Culammada Ahlu Suna waljamaaca ee Gobollada
dhexe ka xoreeyey Khawaarijta, laakiin
taas beddelkeeda C-Raxmaan Sh. Muxyaddiin
wuu taageeray maxaakimta in ay dagaal iyo
xoog kula wareegaan wadanka.
Arrinta la yaabka leh waxay tahay sanadka
gudihiis ayey ahayd markii Shabaabka uu
C-Raxmaan leeyahay lalama dagaallami karo,
waa in lalal hishiiyaa ay qufteen Qabrigii
sheekhii weynaa ee dariiqada, weligii Ilaahay
ee karaamada badnaay Sheekh Muxyaddiin Celi,
oo C/Raxmaan Sheeganayo in uu yahay aabbihii isaga dhalay.
Waa amakaag in C/Raxmaan aanu hal mar
qalinkiiisa ku qorin baaqana ku sheegin
in uu canbaareeyo xawaala qufta khawaarijta ah ee Al-shabaab.
Mu’tamarkii kan ka horreeyey C/Raxmaan wuxuu
ku taageeray Sharif Sh. Axmad, isagoo waa
nasiib darree sheegtay in uu ku hadlayo
magaca Ahlu Sunna iyo kan mu’tamarkaba ,
waxaadna mooddaa in C/Raxmaan uu arkay
in awsan jirin qof jac dhahaaya, sidaasna
uu dadka dhexdiisa ku fushaday dhaqamo
uu ku taageerayo Wahaabiyada kulana
dagaallamayo Ahlu Sunnada.
In kastoo aan ficilka ninkaan wax shaki
ahi ku jirin haddana weli wuxuu haystaa
waqti uu uga tawbad keeno bidcanimada
iyo khawaarij taageerka, uuna raalli
gelin ka baxsho aflagaaddada iyo caqiidda
ka been sheegga iyo marin habaabinta
bulshada ahlu sunnada ah.
Qof kasta oo Ahlu Sunna ah oo soomaali
ah waxaan ugu yeeraynaa in uu naf, maal,
af iyo adin qofba wuxuu awoodo uu kula
dagaallamo Khawaarijtan shaydan raacaa
oo culummadeenna kii noolaa dilaysa,
kii dhintayna qabriga kala soo baxaysa.
Mu’tamarkii kan ka horeeyey ayaan samaynay
qoraal aan ku ifinayno dulmiga iyo caqiida
xumida uu ninka kula dhex mareysanayo
Culamaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jamaaca.
Mustaqiim.com
Mustaqiimcom@hotmail.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|