Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Khawaarijta Al-Shabaab Oo Dhisay Xeerooyin Tababarro Oo Xiriir la' Leh Alqaacida.


Warbixinta waxa qorey wall street journal, waana lasoo gaabiyey.

Kooxda argagaxisada ah ee todobaadkii tagay ka dambaysay qaraxii halista ee Ugandha ka dhacay ayaa waxay shaqaaleysteen nin u dhashay dalkaas si uu isagu xiro weerarada la qorsheeyey, isaga oo lacag ka helay Al-qaacida. Si ay hawlahooda ugu balaariyaan meelo ka kaxsan wadanka ay sharci la’aanta ka jirto ee Soomaaliya.

Alshabaab oo ah koox xarunteedu tahay Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda ismiidaamintii 3-da mataanaha  ahaa laguna dilay 76 qofood, caasimadda Yugundha ee Kampala 11-kii July  ayaa waxay ka dhisteen xerooyin tababarro oo lagu maleego falal argagaxiso sida kuwa Pakisatn oo kale. Abuu-Mansuur Roobow oo ka mid ah hogaan ugu sarreeya ee Alshabaab ayaa ka caawiyey kooxdiisa oo ahayd mucaarad gudaha ah inay u xuubsiibtaan Alqaacida dhab ah.

Muqaalka kooxda iyo dadaalada uu wado  Mr Roobow ayaa waxaa lagu ogaaday wareysiyo lalayeeshay dambi-baarayaal u kala dhashay Yugaandhees, Keenyaati iyo saraakiil hore ama kuwa hadda shaqeeya,  isaguna jira Mareykan, Soomaali oo ay ku jiraan qaar mintidiinta ka tirsan.

Saraakiil dhinaca wardoonka  oo Mareykan ah ayaa tibaaxay in la helay sir ku aadan xiriir isgaarsiineed oo dhexmarayay Alshabaab iyo Alqaacida oo  fadhigeeduna yahay Pakistan iyo Yemen. Saraakiishu waxay sheegeen in ay arkeen caddeymo muujinaaya in xerooyinka tababarada ay sii laba jibbaarmeeen iyo dadka xubnaha ka noqonayaba. Waxa kale oo ay saraakiisaashi tilmaameen in Al shabaab hogaankooda kaadiriinta ah gaarayaan dhawr boqol oo xubnood oo la mid ah  Al Qaacida kuwa ka jooga Pakistan iyo Yemen

Saraakiisha sirdoonka ayaa ku warramay inay rumeysanyihiin in Al Qaacida ka faa’ideysanayso Al Shabaab maadaama ay dhul dhan xukumaan isla markaasna ay u ogalaanayaan in hawlgalada lagu sii fidiyo wadamada afrika. “sida inoo muuqata Al Shabaab waxay heleen rag xirfad iyo khibrad sareba leh oo ay isku halayn karaan” ayuu yiri Col: Herbert Mbonye oo ah AGAASIMAHA la dagaalanka argagaxisada ee Laanta Sirdoonka Meletariga Yugandha.

Qiyaasta ay bixiyeen sirdoonka Mareyku wuxuu sheegay in Khatartu tahay mid kor usii kacaysa. Sideed iyo tobankii bilood ee aynu soo dhaafnay ayaa waxa laga warhelay in xerooyin la mid kuwa Alqaacida ku leedahay buuraleyda ay Qabaa’ilku deegaan ee Pakistaan oo kale inay kasoo ban baxeen Soomaaliya. Sirdoonka Mareykanka ayaa imankadan ku raad jooga ilaa labaatameeyo u dhashay Mareykan iyo waddamo kale oo reer galbeed ah oo lagu wado inay galeen amaba xiiriir la laayihiin Al shabaab xerooyinkooda.

“Sheekadu waa ay xaraartahay”, ayaa laga soo wariyey sarkaal ka tirsan sirdoonka mareykan isaga oo leh.

Xiriirka Al Qaacida iyo Shabaab waxa kasoo shaeeyey Robow oo ah horjoogayaasha ugu waaweyn Alshabaab. Mukhtaar Roobow, oo loo yaqaan Abuu-mansuur ayaa ah mid kamid ah ragga argagaxisada ah ee uu Mareykanku baadi goobayo mid meel sare uga jira liiska.

Mukhtaar Roobow ayaa moodaa inuu digniin hore sii bixinayaay markii isaga oo khudba Jimco ka hadlaayay horraanti bishaan uu ku baaqay weerarro ka dhan wadamada ay 6-da kun ee nabad ilaalin ay ka joogaan Soomaaliya.

Mr Roobow, waxa uu ku dhashay, kuna koray koonfurta Soomaaliya halkaas ayuuna quraanka ku bartay, sida uu khudbooyinka uu jeediyo ku sheegay. Waxa u wax kusoo bartay Jaamacadda Kharduum, isaga oo daraaseeyey shareecada.  Waa afartan sano jir sida ku cad passport Erateriyan ah oo uu isticmaalay.

Mr Robow, abbaarihii 2000 ayuu u safray Afkaanistaan si uu tababar ula soo qaato Taliban iyo Al Qaacida kuwaasoo soo maleegay weeraradii Spt 11. Waxa uu u tababaranyahay sida looga dagaalamo shiishka lala eegto qof aan war kuu hayn. Sanad ka hor ayuu ka tagay Afkaanistaan inta ciidamada Mareykanku cagta marin maamulkii Daalibaan.

Abuu Mansuur waxaa u dheer inuu had iyo jeer ku dadaalo xiriir adag uu rabo inuu lalahaado dagaalyahaniinta rabshado ka wada meelo ka baxsan Soomaaliya. Wuxuu baaq u jeediyey dagaalyahaniinta Afgaanistaan, Jeejniya iyo Ciraaq. Sababta uu sidaa u yeelayo ayaa ah inuu sumcad iyo waliba dhaqaale badan u helo hawlahiisa Soomaaliya. Wuxuu aaminsanyahay in Soomaalida aysan ku filnayn waxa uu tiigsanaayo.

Mr Roobow, waxa uu kula heshiiyey dagaalyahaniinta Shisheeye inuu siinayo saldhigo waaweyn oo Soomaaliya ku yaalla si ay weerer uga qaadi karaan bartilmaameedyo Reer Galbeedku ku leeyihin Afrika.

Dagaal yahaniinta ajaaniibta waxa ay la yimaadeen xirfad ku cusub Soomaalida, sida bambo la dhigo jidka, isqarxin, qofku naftiisa ku dilayo taasoo hadda ka mid noqotay mid ka mid ah hawl-galladooda hubeysan. Hogaamiyeyaasha Al Shabaab, waxay mamnuuceen heesaha, shaaribka iyo waliba inay diideen daawashada cayaaraha.

Arbacadii ina dhaaftay,  magaalada Baydhaba rag hubeysan oo Al Shabaab ah ayaa Makarafoono gawaari saaran ku qeylinaayay “waa inaad nala shaqeysaan oo aad wiilashiina dagaalka usoo dirtaan.. ciddii aan aqbalin waxaa loo qaadanayaa cadow kale”.

Baarayaasha Yugaandha ayaa sheegay inay su’aalo weydiinaya nin u dhashay Yugandha oo la yiraahdo Cali Ciisaa Senkumba oo ay sheegeen inuu qirtay ku-luglahaanshihiisa qorsheynta weerarada.

Mr Senkumba waa sodan iyo dhawr jir ah kana soo jeeda reer beeraley ah meel ka baxsan Kampala. Sida uu sheegay nin kan waxa shaqaaleysiiyey rag Soomaali ah islamarkaasna ka dhaahdhiciyey inuu dhaqaale farabadan ka helayo Soomaaliya.

Mr Senkumba, isaga oo iska dhigaya ganacsade ayuu dhawr jeer tagay Soomaaliya. Wuxuuse ka qeyb gali jirey xerooyin tababarro ay Al shabaab ku leeyihiin Soomaaliya. Sida ay sheegayaan baarayaasha Yugandheeska ah ayaa sheegay inuu Mr Senkumba soo arkay Yugaandhees badan oo ku jira xerooyinka Alshabaab.

Sida uu qirtay Mr Senkumba waxa ay isbarteen askarta ku sugan xudduudaha Yugandha, Kenya iyo Sudan. Waxa uu helayay lacago kala duwan oo si qarsoodi ah uga imanaysay xawaalado Afgaanistaan iyo Al Qaacida. Waxa uu kashifay in ilaa labaameeyo Shabaab ahi ku suganyihiin Yugandha oo qorsheynaya qaraxyada loogu talagalay dadka reer Yugandha.

Booliiska Kenya ayaa sheegay inay xireen ninka todobaadkii tagay inta uusan dhicin weererka Kampala, kuna wareejiyeen booliiska reer Yugandha kadib qaraxa marki uu dhacay.

Sida uu ku warramay Nicholas Kamwende, oo ah taliyaha la dagaalanka argagaxisada ee Kenya ayaa sheegay in Mr. Ssenkumba uu isku dhiibay Booliiska Kenya ee xudduudda, isla markaasna ku wargelyey booliiskeena inuu Al shabaab kasoo goostay uuna rabin inuu mar dambe la shaqeeyo. Isdhiibiddaas ii dhacday weererka ka hor.

“Waan qabanay, waxayna nala noqotay in Yugandheeska booliiskooda ay tahay kuwa nooga fara-dhuudhuuban baaritaanka ninkan , waana aan u gudbinay kadib qaraxii gilgilay” ayuu yiri Mr Nicholas Kamwende.


 

Tarjumadii Radiomuqdisho.net
Mustaqiimcom@hotmail.com
 
Back

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Qurans
Sh: Maxamud Cali Waceys
Qurans
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe