

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Gudiga qaban qaabada mowlidka
ee magaalada Nairobi oo diyaar
garowgii ugu sareeyey u
galay banaan baxa weyn ee maanta.
28 02 2010
waxaa diyaar garowgii u
dambeeyey maanta ku jira
gudiga qaban qaabada mowlidka
ee magaalada Nairobi iyadoo
la rajeenayo in saacadaha
soo socdo uu dhici doono
banaan baxii ugu balaarnaa
ee ixtifaalka mowlidka.
Qaar ka mid ah gudiga qaban
qaabada mowlidka oo ka war
bixiyey sida uu dhici doono
banaan baxaas ayaa waxaa ay
sheegeen in munaasabadaan
ay tahay mid si heer sare ah
loo soo agaasimay ayna
qorsheenayaan in ay muujiyaan
shacaa'ir kala duduwan
Sh.Mustafa C/Laahi Bulxan oo
ah gudoomiyaha dhalinyarada
Ahlusunnah Waljamaacah ee
dalkan Kenya oo ka war bixinaya
sida loo soo agaasimay banaan
baxan ayaa yiri ''Waxaan
rajeyneynayaa isku soo baxan
in uu noqdo kii ugu balaarnaa
ee abid ka dhaca dalkan kenya.
Wax ictibaar ahna ma siin doonno
bidcooyinka laga tirada
badanyahay ee diidan ku farxida
dhalishada Nabigeena suuban
(SCW) waxaana uga baaqayaa
kooxahan ictiqaadka xun in ay
joojiyaan waxyaabaha
israa'iiliyaadka iyo qusacbalaadka
ah oo ay ka dhaadhicinayaan
dadka wax ma garatada ah.''
Waxaa sidoo kale uu shiikhu
sheegay in munaasabadan ay ku marti
qaadeen culumaa'uddiin farabadan
oo isugu jira dhamaan muslimiinta
dalkan kenya iyo madax
muslimiin ah oo ka tirsan dowlada kenya
Meelaha ay laga soo kala bixi
doono ayaa waxaa ka mid ah 1)
Masjidu Nuur oo ku yaala xaafada
section three ayaa marka ugu
horeysa salaada casir kadib
laga soo bixi doonaa iyaga
oo soo maraya wadada 12 street.
marka ay halkaasi soo gaaraan
ayaa si wada jir ah hadana
looga soo wada dhaqaaqi
doonaa qeybta labaad oo ah
2)Masjidu saxaabah oo loo
yaqaan masaajidka 12ka
waxaa marka ay dabaal dagayaashu
soo gaaraan wadada third
street ay misana si wada jir
ah isaga soo raaci doonaan
qeyba sadexaad (3) oo ku
diyaarsan masaajid ka Third Street.
Sidoo kale marka ay socdaalayaashu
soo gaaraan masaajidka nuurka
ah ee Al-Xaq ayaa hal mar ah
jaanta la isla qaadi doonaa
waxaana si waafi ahna loo soo
wada mari doonaa wadoodinya
xaafada Eastleigh(islii)
Socodkan balaaran ayaa ugu
dambeyn la isugu imaan doonaa
iskuulka loo yaqaan 'New Eastleigh
Primary School' halkaasi oo
muxaadarooyin kala duduwan iyo
taariikhdii Nabigeena (CSW)
laga soo jeedin doono.
Wixii warar dheeri ah ku saabsaan
banaan baxaas iyo kuwa kale oo
caalamka ka dhacaya kala
soco website ka mustaqiim.
W/D
Zakaria Yussuf Kulane
Nairobi kenya

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|