Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Waxaa Wali Si habsami Leh Uga Socda Wadanka Yuganda Xafladihi Mowliidka Nabiga CSW (Daawo Sawiro)


01 03 2010
Waxaa wali wadanka Uganda ka soconaya xaflada kala gadisan oo lagu maamuusayo maalinkii uu dhashay Kheyru Khalqilaahi Sayidinaa Wa Mowlaanaa Muxamad Bin Cabdulaahi (SCW).
 
Xafladaahan kala duwan mid ka mida ayaa waxay xalay ka dhacday magaala madaxda dalka Uganda ee Kampala taas oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala gadisan ee bulshada ayadoo ay horkacayaan Culima’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.
 
Xafladii xalay oo ka dhacday Hotelka weyn ee caanka ah ee Pan African ayaa waxaa ka mid ahaa culimadii ka soo qeyb gashay gudoomiya ahlu sunna waljamaaca ee Wadanka Yugandha Sh.C/qaadir Macalin Ibraahim (sunni), sh.Axmed Salaad kadiye (GX), Sh.Xasan Aadan Cusmaan (Kamacle), oo ah madaxa arimaha Diinta , Sh.Ismaaciil Sh.Cali Rooraaye oo ah madaxa arimaha bulsahda iyo culimo kale oo faradan ayaa halkaas waxa ay ka soo jeediyeen muxaadarooyin cajiiba ah.
 
Sh.Ismaaciil Sh.Cali Rooraaye oo dadkii xalay iyaga nasiibka u yeeshay inay ka soo qeyb galaan xafladaani iyo dadkii kale ee kala socday codbaahiyaha ayaa si wanaagsan oo ku saleesan cilmi iyo caqli kaga shaafiyay adilada mowlidka iyo arimo badan oo dhinacyo badan taabanaaya.
 
Sh.rooraaye ‘waxaan rasuulku ma sameenin oo waa bidco ayaa ka mid ah waxyaabaha ay ku doodaan nimankaan diidan mowlidka nabiga (NNKH) taasina diin saxa noqon meyso’ ayuu si kulul u yiri sheikh Ismaaciil.
 
Wuxuuna taas u soo daliil saday arimo badan oo rasuulka (scw) ka dambeeay oo ay ka mid tahay jamcinta Qor’aanka Kariimka ah iyo adilooyin fara badan.
 
‘Markii Nabigu geeriyooday ka dib ayaa seyd Cumar waxa oo u yimid seyd Abuu Bakar isagoo ku yiri, “Aan Qur’aan jamcino waayo waxaa mar kasta dhimanaaya ragii xufaada ahaa.”, Sayid Abuubakarna waa kadiiday isagoo leh, “Ma waxaan sameyneenaa wax uusan Rasuulkeeni Muxamad CSW sameynin”, seyd cumar wax kale uma soo daliilsan ee kaliya wuxuu yiri , “ Walaahi wax kale maaha ee waa kheyr” Bal ufiirso Siidina Siid Cumar ma uusan soo daliishan aayad iyo Xadiith toona balse waxa uu ku jawaabay waa Kheyr in la jamciyaa Qur’aanka Marka hada waxaan waydiineynaa dadka diidan mowlid,” Ma waxa heesana Cadeen ah in nabiga yiri leema xusi karo lamina weyneen karo maalinta aan dhashay mise daliilkiina waa un nabiga ma sameenin” ayuu si qiiro iyo fiiro kujirto uyiri Sheekh Ismacil Sheekh Cali Rooraaye oo habeenki xalay ahaa si aad ah ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay maalintaan iyo sida loogu baahan yahay in dadka somaliyeed ay bartaan diinta isla markaana aysan ku kadsoomin caqiidada fasahaadsan ee bidcada casriga ..
 
Waxaa sidoo kale ka hadlay sh.Xasan Kamacle oo isagu ku dheeraaday mowcido aad u qiima badan oo ku saabsan taariikhda Rasuulkeena Suuban (scw) iyo dhalashadiisa.
 
Sh.Xasan ‘Nabiga Fadligiisa waxaa ka mid in aysan hooydiis ku dhibtoonin xiligii ay caluusha ku siday, oo kaliya waxa ay dareentay un ahaa in ay iska weesay Caadadi sidaana ku garatay un in ay uur leedahay balse ma jirin wax lucfi iyo culees iyo jiro toona taasina waxa ay kamid tahay calaamadaha suubanaheeni muxamad CSW”
 
Sheekh C/qaadir Suni oo ah Madaxa Culuma’udiinka Ahlusunnah Waljamaac ee Wadanka Yugandha oo soo gunaanaday Xafladi mowliidka ee habeenki xalay qeybteedi hore isagoo ugu horeen duco iyo amaanba usoo jeediyay inta ka qeyb qaadatay Xafladaha lagu weyneenayay Maxabada Nabiga isla markaana sheekha waxa uu ka digay dabeecadaha iyo caqiidooyinka fasahaadsan ee la wareegayaan kooxa diin laawayaalka haba udarnaadaani Bidcada Casirgaan kuwooda Somaliyeed.
 
Sheekh Suni ayaa sidoo kale ka hadlay arimo badan oo muhiima una sheegay dadkii halkaa isugu yimid inuu u wado hadiyad qaali ah.
 
Sh.sunni ‘waxaan idiin wadaa hadiyad qaali ah taasoo ah in uu jiro masjid laga dhisiyo tuulada Nekaveli oo ah xerada qaxuutiga soomaalida kaasoo hada ay howshiiso socoto una baahan in qof waliba oo wax heli karo uu ka faa’ideysto waayo wuxuu ku anfacayaa waalidkiis iyo naftiisaba’
 
Ka dib moxaadarooyinkii kala gadisnaa ayaa waxaa halkaas lagu bixiyay dacaamkii dadka loo diyaariyay iyadoo ay halkaa soo xaadireen dad faradan oo isugu jira soomaali iyo qowmiyado kale.
 
Intaa ka gadaal ayaa waxaa halkaa lagu qabtay xilqo dilgri ah taasoo lagu gaaray ilaa iyo saqdii dhexe habeenkii.
 
Isku soo wada dooboo xafladii xalay ayaa u dhacday sidii loogu talay galay iyadoo ay jiri doonaan xafladu kale oo ka dhicidoona meelo kale kadisan oo ka tiresan wadanka Uganda.
 

Waa Diyaarinti
C/raxman Sh: C/llahi
Feysal Yuusuf Kulane
 
Sawir Qaade
C/llaahi Sh: C/nuur Sh: Yuusuf
 

 
Back

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe