Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


MALEESHIYO IYO TIKNIKO KA SOO GOOSATEY KHAWAARIJTA SOONA GAARTEY SALDHIGA CIIDAMADA AHLUSUNA WALJAMACA


07 03 2010
Sida ay xaqiijiyeen wararka ka imaanaya Gobalka Galguduud, waxaa halkaas soo gaarey Gaari Tikniko ah iyo ciidankii saarnaa oo xalay ka soo goostey Kooxda Khawaarijta ee Xizbul Shaydaan ee uu madaxda u yahay Xassan Dahir Uweys.
 
Gaarigaan oo ahaa gaari aad u cusub, Ahna nooca loo yaqaan Cabdi Bile, ayaa ka soo fakaday Magaalada Balad-weyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, ee ay Xooga ku haystaan Khawaarijta Xisbul Shaydaan.
 
Gaarigaan iyo ciidanka saarnaa ayaa la sheegey soo goosadkooda in uu ka dambeyey ka dib markii uu dhex marey wada xaajood muddo socdey Maleeshiyadaas iyo Odayaasha iyo Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ku sugan Gobolada Dhexe.
 
Waxay wararku intaas ku darayaan in ay wada xaajoodka ay Maleeshiyadu codsatey ka dib Markey xaqiiqsadeen waxa uu Xassan Dahir Uweys wado in aysan ku salaysneyn Diin iyo Jihaad toona ee uu rabo oo kaliya in uu xukun ku gaaro iyagana uu ka dhigto buundo uu ku tillaabo.
 
Waxay kaloo ogaadeen in aysan markii horeba Ilaahay dartiis ka ahayn ee ahaayeen mooryaan ku heshiisey in ay dadka, dalka iyo Diintabada kharribaan, kana macaashaan dhiigga maatida Soomaaliyeed.
 
Ciidkaan iyo Gaariga ay wateen oo hadda ku sugan Magaalada Guriceel ayaa waxaa soo dhaweeyey Culimada ahlu-sunna Wal-jamaaca, Odayaasha iyo Dhammaan Shacabka Deegaanka Gobolada Dhexe oo ugu hambalyeey sida Ilaahay uu xaqa u waafajiyey.
 
Ciidankaan ayaa iyagana dhankooda Ilaahay u mahad-celiyey iyo dadkii gacanta ka geystey imaashahooda, waxay kaloo u mahad-celiyeen Culimada ahlu-sunna Wal-jaamaca, oo ay ku sheegeen in ay yihiin Culimada Xaqa ah ee Diinta, Dalka iyo Dadkaba weligood u soo adeegi jirey ilaa iyo imminkana ku hawllan.
 
Sawirada Gaarigaas, iyo dhallin yaradii saarneyd iyo weliba wixii xog ah oo dheeraada kala soco wararkayaga dambe.
 
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com
Gobolada Dhexe
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com .
 

 
Back

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe