

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
mustaqiimcom@hotmail.com
A
ahlusunna
albaabuldiin
nasrudiin
nuuruliimaan
shaaficiyah
shariica
warsheekh
Allpuntland
aminarts
bbcs omali
C
calanka
D
dayniile
G
galgaduudpost
galgaduud.net
gedonet.com/
gargaarka
H
hiiraan
hornafrik
j
jowhar
m
mustaqiim
N
nuuruliimaan
S
shariica
shaaficiyah
W
warsheekh
waagacusub
wadanka
|
Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca
oo soo dhaweysay xayiraddii
uu Sucuudigu ka qaadey Xoolaha
Soomaaliya
Culimada Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna
Wal-jamaaca ayaa si diirran u soo
dhaweeyey xayiraddii uu dalka
Sucuudigu ka qaadey Xoolaha
Soomaaliya ee uu kal hore ka
dhoofsan jirey waddanka Soomaaliya.
Culimada ayaa ku tilmaantey
Go’aankaas mid taabba-gal ah
oo wanaajinaya xiriirka ganacsi
ee labada Dal, taasoo qayb weyn
ka qaadanaysa kobaca dhaqaale
ee labada Dal guud ahaan iyo
kan Soomaaliya gaar ahaan.
Waxay Culimadu sheegeen in
Xayiraaddii uu Sacuudigu
saarey Xoolaha Soomaaliya
ay dhibaatooyin dhaqaale u
keentey Waddanka Soomaaliya,
qayb weyna ay ka qaadatey bur-burka
iyo taag-darida wiiqday Shacabka
Soomaaliyeed.
Waxay Culimadu sheegtey in dhaqaalaha
Soomaaliyeed intiisa badan ay ku
xirneyd Xoolaha Soomaaliya oo loo
suuq-geyn jirey Siiladaha Waddama
Khaliijka gaar ahaan Sucuudiga oo
gaar ahaan xaddi badan qaadan jirey.
Waxay Culimadu sheegeen in maaddaama
uusan waddanku wax soo-saar kale oo
dibadda loo dhoofiyo lahayn, ay
muhimmad weyn u lahayd Xoolahaas
nool ee loo dhoofiyo waddamada
Khaliijka.
Soo dhaweyntaas Culimada ayaa
timid ka dib markii Dawladda
Sucuudiga u oggolaatey shirkadaha
Sucuudiga ee ka ganacsada Xoolaha
Soomaaliyeed in ay bilaabi karaan
Ganacsigoodii Xoolaha ee ay Soomaaliya
ka keeni jireen.
Xiriirka kala iibsiga Xoolaha ee
Soomaaliya iyo Sucuudiga u dhaxeeyey
ayaa istaagey dabayaaqadii sagaashameeyadii
ka dib markii uu Sucuudigu saarey
xayiraad Xoolaha Soomaaliya taasoo
uu Sucuudigu sheegey in Xoolaha
Soomaaliya ay qabaan Cuduro.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com
e-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
.

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|