Quraan
Home | Tafsiir | Axadiis | Muxaadro | Siiro | Naxwe | contact
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

mustaqiimcom@hotmail.com


A ahlusunna

albaabuldiin

nasrudiin

nuuruliimaan

shaaficiyah

shariica

warsheekh

Allpuntland

aminarts

bbcs omali

C

calanka

D

dayniile

G

galgaduudpost

galgaduud.net

gedonet.com/

gargaarka

H

hiiraan

hornafrik

j

jowhar

m

mustaqiim

N

nuuruliimaan

S

shariica

shaaficiyah

W

warsheekh

waagacusub

wadanka
Qurans


Maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo tabar ciidan oo muddo socday maanta u soo xirey boqolaal Askari


Culimada Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa maanta u so xirey tabar Milateri oo socday in ka badan saddex bilood boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
 
Ciidamadaan Tababarkooda maanta loo soo gabagabeeyey ayaa ku xareysnaa intii uu tababarku socdey xero Ciidan oo uu Maamulka Ahlu-sunna ee Magaalada Caabudwaaq ka sameeyey bariga Magaalada Caabudwaaq.
 
Xeradaan ciidamadaas lagu tababarayey ayaa waxaa lagu magacaabaa Balli Soomaaliya taasoo dhawr Kiilomitir u jirta Magaalada Caabudwaaq, kagana began dhanka beri magaaladaas.
 
Qarashaadka ku baxay asaasidda Xeradaas iyo weliba qarashaadka ku baxay tababarka ciidamadaan ayaa waxaa bixinayey Maamulka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ka arrimiya degmada Caabudwaaq iyo weliba shacabka ku dhaqan deegaanka Magaalada Caabudwaaq, oo iyagu aad ugu riyaaqsan Maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jaamaca.
 
Ciidamadaan ayaa waxaa loo tababarayey in ay qayb ka noqdaan ciidamada la dagaallanka urrurada Khawaarijta ee dhibaatada ku haya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Waxay kaloo ka qayb-qaadan doonaan sugidda ammaanka Goballada dhexe guud ahaan iyo deegaanka Caabudwaaq gaar ahaan.
 
Tababarkaan ayaa waxaa bixinayey saraakiil sar-sare oo ka tirsan Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leh hawlaha Tababaridda iyo khidadaha Milateri.
 
Ciidamadaan soo dhammaystey Tababarka Milateri ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhoolla-tus Milateri Barri subax ku soo maraan Magaalada Caabudwaaq, taasoo looga gol lee yahay in la tuso Shacabka Magaalada Caabudwaaq tababarka tayada leh ee ay qaateen Ciidamadaan Cusub. Waxaa kale oo looga gol leeyahay in la tuso Khawaarijta Haannaanka Milateri ee ay u tababaran yihiin Ciidamadaan maanta loo soo xirey Tababarka.
 
Ciidamadaan maanta tababarku u soo gabagaboobey ayaan ahayn kuwii ugu horreeyey ee ay Culimada Ahlu-sunna Tababaraan, horey ayey Culimadu ugu soo xireen tababaro kala duwan Ciidamo kala duwan oo lagu tababarayey Magaalooyinka Goballada dhexe oo dhan.


 

 

 

 
Xafiiska War-Qabadka Ee Mustaqiim.com
 
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com .
 
Qurans

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Qurans
Sh: Maxamud Cali Waceys
Qurans
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe