

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
mustaqiimcom@hotmail.com
A
ahlusunna
albaabuldiin
nasrudiin
nuuruliimaan
shaaficiyah
shariica
warsheekh
Allpuntland
aminarts
bbcs omali
C
calanka
D
dayniile
G
galgaduudpost
galgaduud.net
gedonet.com/
gargaarka
H
hiiraan
hornafrik
j
jowhar
m
mustaqiim
N
nuuruliimaan
S
shariica
shaaficiyah
W
warsheekh
waagacusub
wadanka
|
Webseedyada qaar inta Alle
ka cabsadaan ha iska daayaan
Sax ka dhigista Rajminta Qaldan
ee ay dadka ku xasuuqeen Shabaabka
iyo ku Tacadiga Shacabka la daalaa
dhacaya Abaaraha iyo Gumaadka Khawaarijta.
Walalayaal ma ahan in aan indhaha
ka qarsano dhibta maanta haysata
umadeena ma ahan in anagoo og
qaladadka shabaabka ay u geesanayaan
dadkeena aan afka ka awdno, walaalayaal
ma ahan in aan sax ka dhigno xadadka
ay shabaabku ku oofinayaan dhalinyada
Soomaaliyeed walaalayaal miyaysan ahayn
kuwa qaldan in ay yihiin shabaabka, hadii
aanu ognahay kuwa sida arxan la’aanta
ah shacabka u xasuuqaya maxaan uga
baqaynaa oo aan webseedyada ugu qoraynaa
qaladaadkooda in ay yihiin wax sax ah.
Waxaa jira maanta webseedyada qaar
in ay qorayaan wiil dhalinyaro ah
oo si bilaa naxaris ah dhagax loogu
dilay in ay ku tilmaamayaan in ay
tahay waajib ay shabaabku guteen,
walaalayaal ma ahan sidaas waana
fikrad qaldan maxaa yeelay waxaa
qof rajmin kara waa dawlada iyo
qaadi caadil ah oo islamarkaas
ay umadu doorato marka shabaabka
ma soo gali karaan sifadaas ay qabto
diinteena jawaabtu waa maya iskadaa
in ay soo galaane waxaa cad in maanta
hadii ay jiri lahayd dawlad cadaalad
ah in dhamaantood wahaabiyada
shabaabka eey dhagax lagu dili lahaa
maxaa yeelay dadkii aaway waxaa ay
u qaybiyeen sadex qaybood qayb waxaa
ay u direen xeryaha qaxoootiga oo
halkaas ayay ku tuugsadaan qaybna waxay
ku nool yihiin argagax iyo cabsi, qaarna
waxaa ay u direen dhulka hoostiisa
oo waa ay dileen.
Maxay tahay dawrka Saxaafadu ay
ku leedahay in ay u doodaan xaquuqda
shacabka mise waan iska indha tiraynaa.maxaa
inoo diiday in aan u doodno xaquuqda
dadka kibirka lagu laylnayo mise waan
baqaynaa, maahan in aan sidaas oo dhan
u baqno waa in saxaafadu ay ka runsheegtaa
qaldaadka wahaabiyada hadii kale ogaada
waxaan ka qayb qaadanayanaa anaguna
dhibta ay kuwaas xun xun ay ku hayaan dadkerena
Webseedyada qaar ayaa waxaa ay
intabadan sax ku tilmaamaan qaladaadka
iyo ku tacadiga shabaabka ay
shacabkeena ku hayaan midaasna waa
qalad aanu ka galayno umadeena, waxaa
larabay in webseedyadu ay si daacad
ah wax uga qoraan waxwalba oo dhacaya.
Waxaan ku soo gaba gabaynaynaa
faaladeenaan webseedyada qaarka
qoraya buun buuninta qaladaadka
wahaabiyada in ay inte Alle ka
baqaan ay iskadaayaan qoraaladaasi
ay soo bandhigayaan meesha ay shabaabka
ka cabsanayaana ay Alle ka cabsadaan.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com
Goladadhexe, Somalia
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
.

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|