

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
mustaqiimcom@hotmail.com
A
ahlusunna
albaabuldiin
nasrudiin
nuuruliimaan
shaaficiyah
shariica
warsheekh
Allpuntland
aminarts
bbcs omali
C
calanka
D
dayniile
G
galgaduudpost
galgaduud.net
gedonet.com/
gargaarka
H
hiiraan
hornafrik
j
jowhar
m
mustaqiim
N
nuuruliimaan
S
shariica
shaaficiyah
W
warsheekh
waagacusub
wadanka
|
Shacabka Kismaayo oo ka cabanaya
dhibaatooyin ba’an oo ay ku
hayaan Khawaarijta Al-shabaab
Shacabka ku nool magaalada
Kismaayo ee xarunta Jubbada
Hoose ayaa ka cabanaya
dhibaatooyin ba’an oo ay
ku hayaan Ururka Khawaarijta
Al-shabaab.
Waxay shacabka halkaas ku
nool Al-shabaab kula dhaqtaa
si naxariis darra ah iyagoo
ciddii ay doonaanna dila kuwii
ay doonaana xirxira, kuwii
rabaana ku fuliyaan xukuno
baadhil ah oo isugu jira; Dil,
Xarig, Jir-dil iyo xukuno
badan oo kale.
Waxay shalay halkaas ku
fuliyaan Xukuno kala duwan
Odayaal iyo daqowsho halkaas
ku nool oo waxaysan galabsan
aysan jirin, taasoo shacabkaas
halkaas ku dhaqan yaab iyo
amakaag ku ridey.
Waxay keeneen Odayashaas iyo
raggaas maqaawiirta ah Fagaarahada
Beerta xorriyadda oo ku
taalla bartamaha Magaalada
Kismaayo, iyagoo isla markii
ay keeneen ku bilaabey waxa
ugu yeereen “TACSIIR”, oo
midkiiba ay ku garaaceen
Shaabuug xoog badan ilaa
60 jeer midkiiba.
Waxay halkii ay ku shaabuugeynayeen
ee fagaaraha ahayd isgu yeereen
dadka Magaalada ku dhaqan si ay
u daawadaan dhibaatada ay u
geysanayaan Cuqaasha iyo
Odaasha waaweyn ee da’da ah,
ee aan xammili Karin garaaca
ay u geysanayaan.
Waxaa ka mid ahaa Odayaashii iyo
cuqaashii shalay halkaas lagu
garaacayey kuwaan soo-socda:
1. Nabadoon: C/naasir Yuusufn Ciise.
2. Nabadoon: Cali Jimcaale Odowaa.
3. Nabadoon: Cali Cismaan Ducaale.
4. Caaqil: Max’ed Cabdi Ibraahim.
5. Caaqil: Cismaan Max’ud Max’ed.
6. Caaqil: yuusuf Max’ud C/laahi.
7. Caaqil: Xuseen Aadan Max’ed.
8. Ugaas: Saciid Daahir Faarax.
Odayaashii la jir-dilayey ayaa
markii xukunkoodii dhammaaday
lagu amrey in aysan Kismaayo
isaga bixi Karin, meel kalana
aadi Karin.
Waxaa arrintaas lagula kacay
Odayaashaas waaweyn ka xumaadey
dadweynaha Soomaaliyeed guud
ahaan iyo dadweynaha ku nool
magaalada Kismaayo gaar ahaan.
Waxay kaloo shacabka halkaas
ku dhaqan ka walaacsan yihiin
sida ay ugu noolaan lahaayeen
magaalada Kismaayo, haddii
dadkii Waaweynaa sidaan loola
dhaqmayo oo uusan jirin wax
ixtiraam ah!
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
.

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|