Quraan
Home | Tafsiir | Axadiis | Muxaadro | Siiro | Naxwe | contact
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gedonet.com/

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Sarkaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab oo fashilay siro culus


Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Khawaarijta Al-shabaab oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Qoorweyne ayaa ka soo fakaday Ururuka Khawaarijta Al-shabaab, isagoo u soo galay kooxda uu hoggaamiyo Shariif Shiikh Axmed.
 
Sarkaalkaan ayaa bixiyey macluumaadyo badan oo ku saabsan kooxda Khawaarijta Al-shabaab, dadka madaxda u ah iyo weliba qaababka ay hawl-galaan.
 
Wuxuu sheegey in Saalax Nabhaan oo ahaa ninkii ay Mareykanku ku dileen Meel u dhaw Shabeellada Hoose uu ahaa ninka mas’uulka ka ahaa qaraxyada oo dhan, sida kuwa is-qarxinta iyo kuwo la’aaso intaba.
 
Wuxuu kaloo sargaalkaan sheegey in markii la dilay Saalax Nabhaan in loo magacaabey jagadaas nin kale oo la yiraahdo Abuu-muusaa Mombasa oo Kenya ka soo jeeda, kaasoo mar aan dheereyn ka yimid waddanka Pakistan, isoo qayb ka ahaa Urur weynaha Dhaalibaan.
 
Sidoo kale wuxuu sheegey in uu tababarada bixiyo ninka la yiraahdo Abuu-mansuur Al-Amriiki oo dhalashadiisu tahay waddanka Mareykanka, waxaana gacan weyn ka siiya nin la yiraahdo Faaruuq, oo ah la taliya ninka la yiraahdo Axmed Gode, oo Amiir maqaarsaar ah u ah Ururka Khawaarijta Al-shabaab.
 
Marka tababarka soo dhammaystaan waxaa dadka tababarka dhammaystey kala xusha nin lagu magacaabo Maxammed Muhaajir oo Suudaani ah oo xusha raga madax-jabinta loo dhibayo, kuwaas oo lagu magacaabo Amniyaat, waxaana loo xilsaaraa in ay fuliyaan dilalka qorsheysan.
 
Wuxuu sheegey in dadka sar-sare uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Abuu –suleymaan Al-banaadiri oo magiciisa runtaa uu yahay Yaasiin Ayaanle.
 
Wuxuu sheegey Ururka Khawaarijta Al-shabaab in ay maamulaan mas’uulna ay ka yihiin rag shisheeye ah oo u badan Pakistani iyo Bangaladhesh.
 
Wuxuu kaloo sheegey in ay raggaas oo dhan ee Ajaanibta ah waddanka ay ku soo galaan soona raacaan Ururka Tabliiqa.
 
Wuxuu sheegey in dilalka loo geyso suxufiyiinta ay mas’uul ka yihiin Khawaarijta Al-shabaab, wuxuuna sheegey Saciid Tahliil in lagu dilay fatwo ka soo baxdey Ururka Kahwaarijta Al-shabaab.
 
Wuxuu sheegey ninka mas’uulka ka ah Ciyaalka waddama Galbeedka laga keeno, iyo weliba sida lagu keeno iyo qaabka lagu dagaal-gelio intabada.
 
Wuxuu sheegey in qofka markuu ku biiro Ururka Khawaarijta in magaciisa laga baddalo loona bixinayo magac kale, sida isagaba loogu baxshey. Magaca ay u yqaaneen Khawaarjta Al-shabaab wuxuu ahaa Maaxmed Naasir Pakistani, isagoo kiisa runta ah uu ahaa; Maxamed C/llaahi Qoorweyne.
 
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com .
 
Qurans

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Qurans
Sh: Maxamud Cali Waceys
Qurans
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe