

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gedonet.com/
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Kala baro in aad tahay Ahlusunnah wal-jamaacah iyo inaad tahay Bidc
Qoraal aad u faa'iida badan
Aqoonyahanno badan oo isugu jira culammaa?udiin iyo wax garad kala duwan ayaa soo jeediyey in jawaab waafi ah laga bixiyo qoraal lagu faafiyey internet-ka. Kaasoo ka hadlayey calaamadaha lagu garto dadka haysta dariiqa xaqa ah ee ahlu-sunna wal-jamaaca. Qoraalkaas waxaa qoray firqada uu sheekha u yahay Med C/Wahaab, kuwaasoo aad u ammaanay dadka haysta caqiiddada ahlu-sunna wal-jamaaca. sida laga dhadhansanayey qoraalka waxay doonayeen inay sheegtaan ahlu-sunnah , haddana ma sheegan , maadaama ay uga baahantahay daliillo iyo caddaymo aad u fara badan, kaasoo aanu la iman Karin qof aan ahayn Ahlu-sunnati wal-Jamaacah. Ma aha qoraal-kaas oo keliya, waxaa habkaa aan raadka cad lahayn wax u qora dhammaan firqooyinka aan ahayn ahlu-sunnada ,isla markaana aan lahayn abtiriska diineed. haddaba , si aan u raacno dariiqa xaqa ah , ugana badbaadno waddadooyinka bidcada ee mugdiga ah , waxaa lagama maarmaan ah : - In aan daraasayno daliillada kitaabka Ilaahay iyo Axaadiista Rasuulka CSWS ee Imaamyaalka Islaamku u cuskadeen kala caddaynta ahlu-sunnada iyo bidcada . In kitaabbada imaamyaalka aan ka soo xiganno marxaladihii ay soo mareen Imaamyaalka Islaamka si loo ogaado qarni kasta ciddii ahayd Ahlu-Sunnah. In aan caddayno cidda bidcada ah iyo daliilka sida ay u noqdeen bidcada iyo caalimiinta Islaamka ee caddeeyey Bidcannimadooda.
Kala caddaynta Ahlu-Sunnada iyo Bidcada Adillooyinka ugu waawayn ee kala caddeeya ahlul-xaqa iyo ahlul-baadilka waxaa ka mid ah aayadda quraanka kariimka ee Ilaahay uu yiri: " وأن هذا صراطى مستقيما فاتبعوه ولا تتبعوا السبل فتفرق بكم عن سبيله ذلكم وصاكم به لعلكم تتقون" الأنعام 153 Kani waa jidkaygii toosnaa ee raaca, hana raacinnina waddooyinka qalloocan si aanay idinkaga kala kaxayn Ilaahay jidkiisa; kaas ayuu Ilaahay idiin dardaarmay, si aad Ilaahay uga cabsataan. Imaamyaalka Islaamku waxay isku raaceen in dariiqa toosan ee Ilaahay aayaddan ku sheegay uu yahay dariiqa shariicada Islaamka ee ay haystaan Ahl-sunna wal-jamaacah, sidoo kale waxay isku raaceen in dariiqa Ilaahay ka digay ee uu yiri yaan la raaacin uu yahay dariiqa Gaalada, Bidcada , munaafiqiinta iwm.
Sidaas darteed, qofkii bidci noqda laga aqbali maayo camal iyo cibaada kasta oo uu sameeyo, waayo wuxuu qaaday dariiqii qalloocnaa ee uu ka digay Rabbi (SWT)
Xadiith saxiix ah oo ay weriyeen Bukhari iyo Muslim wuxuu Rasuulku CSWS ku yiri :
"من أحدث فيها حدثا أو آوي محدثا فعليه لعنة الله والملائكة والناس أجمعين لا يقبل الله منه صرفا ولا عدلا" رواه البخاري ومسلم Qofkii diinta Islaamka ku soo kordhiya bidcannimo ama xiriiriya qof bidci ah, ha ku dhacdo lacnaddii Ilaahay, lacnaddii malaa?ikta iyo tan dadka oo dhan, Ilahayna ka aqbali maayo waajib iyo sunna midna. xadiis saxiix ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim Rasuulka CSWS wuxuu yiri : " إن أحسن الحديث كتاب الله وأحسن الهدي هدي محمد صلى الله عليه وسلم وشر الأمور محدثاتها وكل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة وكل ضلالة فى النار" . رواه البخاري ومسلم والنسائي عن جابر رضى الله عنه Hadal waxaa ugu wanaagsan Kitaabka Ilaahay , hannuunna waxaa ugu wanaagsan kan Rasuulka CSWS , waxii diinka lagu soo daraana waa bdica , bidco dhanna waa baadi. xadiis kale oo saxiixa ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim wuxuu Rasuulka CSWS yiri : "من أحدث فى أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد" رواه البخاري ومسلم وأبو داود عن عائشة رضى الله عنها Qofkii ku soo kordhiya diinteenan wax aan ka mid ahayn waa lagu celinayaa . Xadiis kale oo ku macna ah xadiiskii aan soo sheegnay wuxuu Rasuulku yiri : "إياكم ومحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة" رواه أبو داود والترمذي sababta bidcadu ku mutaysteen xumaantaas waxaa ugu weyn beenta ay ka sheegaan Imaamyaalka iyo fasirka Diinta Islaamka . Rasuulka oo taas noo caddaynaya wuxuu ku yiri xadiiska saxiixa ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim "يدعون إلى كتاب الله وليسوا منه فى شيئ" رواه البخاري و مسلم )Bidcadu ) kitaabbka Ilaahay ayey dadka ugu yeerayaan waxna kama haystaan kitaabka Alle. Rasuulka CSWS wuxuu xaddithkan ku cadaynyaa : In dadka bidcada ah ay afka uun ka yiraahdaan Kitaabka Alle , kitaabka alle, laakiin dhaqankodu ka fogyahay kitaabka Rabbi SWT , Sunnada Rasuulka CSW iyo guud ahaan Shariicada Islaamka. Haddaba haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkiisu sidaas u caddeeyeen in bidcada aan lag aqbalayn lagana yeelayn quraanka iyo xadiithka ay aqrinayaan , qofkii raacana uu naarta gelayo.
Haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkisu caddeeyeeen dariiqa ay raalliga ka yihiin oo ah dariiqa ay diinka ku fasireen Imaamyaalka ahlu sunna wal jamaaca waxaa qofka muslimka ah ku waajib ah inuu noqdo ahlu sunna wal-jamaaca, waxaana ka xaaraam ah inuu raaco dadka bidcada ah.
sidaas awgeed , qof kasta oo ka hadlaya, wax ka qoraya ama sheeganaya ahlu-sunnah wal-jamaaca , waxaa laga rabaa inuu caddeeyo Imaamyaalka ah Ahlu-sunna ee qarni kasta, uuna ka billaabo Qarnigii koowaad ee uu ku sugnaa Rasuulka CSWS ilaa waqtigan aan joogno , markaaas waxaa caddaanaya cidda ahlu-sunnada ah, ee ku sifowdey xadiiska saxiixa ah ee Rasuulka CSWS uu yiri : " ولن تزال هذه الأمة قائمة على أمر الله لا يضرهم من خالفهم حتى يأتى أمر الله" رواه البخاري ومسلم وأبو داود والترمذي Xadiiskan oo ay weriyeen Imaam Bukaari , Imaam muslim , Imaamu Abuu daawud, iyo Imaam Tirmidi wuxuu macnihiisu yahay ? Ummaddaydu waxay weligood ahaanayaan kuwa ku taagan Ilaahay diinkiisa, cidii khilaaftana waxba kama dhibayso ilaa qiyaamadu timaado ?. si dhamays tiran ayaa loo arkay ballan qaadkii Rasuulka csw , waayo waxay Ahlu-sunna wal-jamaaca noqdeen: 1. Jamaacada keliya ee aan marna ku baabi?in weerarka iyo shirqoollada kaga yimaada gaalada , munaafaqiinta , bidcada iyo guud ahaan cadawga Diinta Islaamka, guushuna ku danbeyso gacantooda . Firqooyinka kale ee bidcada ah ma aha sida ahlu-sunna oo kale , mar wey soo baxaan , marna wey baaba?aan, tusaale waxaa noogu filan bidcooyinkii hore , sida bidcadii Muctasilada , bidcadii Qadariyada , bidcadii khawaarijta, bidcadii faadimiyiinta , sanaadiqadii baadiniyada , bidcadii Jahmiya iwm. weliba bidcooyinkan waxaa ka mid ahaa kuwa aad u xoogaystay oo qabsaday waddama iyo magaalooyin waawayn, kuwaas ay ka mid ahaayeen faadumiyiinta , baadiniyada , iyokuwii la midka ahaa ee dhibaatooyinka waaweyn u geysan jiray Ahlu-sunnada. 2. waa Jamaacada keliya ee waqti kasta ugu badan muslimiinta, Qarni kastana ay ka soo baxaan Imaamyaalka ugu waawayn ugana faraha badan caalimiinta Diinta Islaamka. Haddaba si aan uga faa?iidaysanno caddaymahaas , waxaan qoraalkan ku soo gudbinaynaa imaamyaalkii Qarni kasta ugu waawaynaa caalimiinta diinta Islaamka , waxaanna ka billaabaynaa qarnigii ugu fadliga badnaa ee uu dhexdiisa joogay Rasuulkeenna muxammad CSWs. "خير القرون قرني ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم "
waa socotaaaa -------
qaybta wacyi gelinta Ahlu sunna wal-jamaaca
ahlusunna.org
.

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|