Quraan
Home | Tafsiir | Axadiis | Muxaadro | Siiro | Naxwe | contact
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gedonet.com/

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Khawaarijta Al-shabaab oo la wareegtey Idaacaddii Warsan ee ka hawl geli jirtey Magaalada Baydhabo


Ururka Khawaarijta Al-shabaab ayaa shalay la wareegey Idaacadda Warsan ee ka hawl geli jirtey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay.
 
Khawaarijtaan ayaa markii ay la wareegeysay Idaacaddaan waxay xoog ku soo galeen dhismaha ay ku taallay Idaacaddu, waxayna ku amreen in ay wariye-yaashu isaga huleelaan Idaacadda gudaheeda, haddii ay nolol doonayaan.
 
Markii ay la wareegeen Idaacadda ayaa waxay bilaabeen in ay raadiyaan dad idaacadda uga shaqeeya, iyagoo la’ ilaa iyo imminka qof kaga shaqeeya, isagoo qofkii ay u so bandhigaanba diidaya in uu ka shaqeeyo idaacadda.
 
Idaacadda Warsan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo laga furey 5sano ka hor, iyadoo ilaa 5taas sano shaqeynaysay, waxaana iska lahaa Ganacsato Soomaaliyeed.
 
Lama oga ilaa imminka sababta loo xirey, hase yeeshee warar hoose oo halkaas ay Mustaqiim ka heshey ayaa sheegaya in ay Khawaarijtu doonaysay in ay la wareegaan Idaacaddaas iyagoo rabay in ay hawlahooda ku fushadaan.
 
Bil ka hor ayey ahayd markii ay idaacadda fariisiyeen, oo ka joojiyeen shaqadeedii, taasoo la saadaalinayey in ay la wareegi doonaan mar un, ayna soo baxday wararkii uu faafiyey websiteka Mustaqiim bil ka hor.
 
Hadda Idaacadda iyaga ayaa ganacta ku haya, markii ay waayeen wax uga shaqeeya oo saxaafadda yaqaan ayey waxay bilaabeen in ay Quraanka Kaliya ka sii daayaan maalinkii oo dhan.
 
Ma ahan markii ugu horreysay ee ay Khawaarijtu la wareegto Idaacaadaha xorta ah ee Soomaalidu ka abuurtay waddanka gudihiisa, waxay horey ola wareegeen Idaacado badan oo ay ka mid tahay idaacadda Andulus ee ka hawl geli jirtey Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose.


 

 

 

 
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com
 
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
 
Qurans

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Qurans
Sh: Maxamud Cali Waceys
Qurans
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe