Quraan
Home | Tafsiir | Axadiis | Muxaadro | Siiro | Naxwe | contact
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gedonet.com/

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Maxaa kalahaysta qurbaha iyo dhalinyarada luntay ee soo maaliyeed


Tan iyo buruburkii Dowladii dhexe ee Somalia waxa dalka Somalia ka bilowday fowdo iyo dagaallo sokeeye keeney inay dadku sidii ari weer galay u kala didaan intii aanay dibirtu haleelin.sidaa darteed qaarkood baa waxaa u suura gashay inay gaaraan qaaradaha ku yaalla dhamaan daafaha dunida Yurub, America, Asia, Australia iyo xitaa Africa balse waxaa cajiib ah in tiiyoo ay jirto inay ka fogaadeen cabsidii iyo sharci la’aantii Somalia aanay misna u muuqanin kuwo ku cibra qaatay casharkii caloolyowga lahaa ee ay Somalia uga soo carareen.
 
Inkasta oo ay hadaba jiraan sheekooyin muujinaya inay dadkaasi naq degeen oo ku diirsadeen nolosha cusub ee ay ka heleen qaar ka mid ah dalalka dibadda hadana “Nimca waliba nusqaan lehe” waxa jirta dhinac madoow iyo dhiillo ay leeyihiin dhacdooyinka lasoo gudboonaada Somaalida u hayaantay dibedaha taasoo la xiriirta dhalinyarada Soomaaliyeed eek u dhaqan dibadaha.
 
Runtii waa lagu muransanyahay waxyaabaha ku riixay falalka ay ku kacaan ee qabiixa ah, oo qaar baa u qiil sameeynaya iyagoo daliishanaya 2 qodob oo midkood yahay waalidka oo aan si wanaagsan u edeb marinin caruurtaasi iyo bulshada dalalka ay ku noolyihiin oo takoorta ama weel duwda dhalintaasi iyadoo aanay iminka wax cusub ahayn dhibaatada ay dhalintaasi sababaan taasoo ay gudoomaan xitaa Soomaalidii ay ka dhasheen.
 
Wiilal badan oo Somalia ah baa la diley ama la waxyeeleeyey taasoo waa yaabe weliba ka imanaysa dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed waa dabcan “warankaagii ku mud”.
 
Hadaba waxaanu isku dayaynaa inaanu wax ka ogaanno waxa ka khaldan dhalintan yar yar, maxay tahay sababta ay u muquurteen noloshan gaangiistarnimada ah, lacag si fudud lagu helo, dhimasho mowtul faje ah iyo sababta aanay Soomaalida qurba joogtii aanay xaaladdaa waxba uga qabanin..?
 
Sheekadan waxaynu sidoo kale diirada ku saaraynaa dadka waaweyn iyo jiilkii hore oo aanu dalkii Somalia weli maankooda ka bixin taasoo adkeeysay inay la qabsadaan nolosha ghariibka ah ee ay dhowaan galka ku yihiin, waxayna arintaasi mustaqbalkii dhalinyarada ka dhigtey mid dhumay.
 
Waa bishii Sept. 2007 Mag. London: oday Soomaaliyeed ayaa wuxuu sameynayaa wixii ugu xumaa ee uu waalid ku tillaabsado taasoo ah duugista wiilkii uu dhalay oo da’yar.
 
Xaafada Campden oo ku taalla isla London hooyo Soomaaliyeed ayaa iyadna la legdameysa xanuunka iyo uur ku taallada ay leedahay aasida wiilkeedii ay aduunka ugu jecleyd.
 
Maahir Cusmaan ayaa waxaa la diley xilli uu u socdey iskuulkiisa markii la dilayay bishii Janaayo sanadii 2006-dii.
 
Maalin uunbaa kaga dhimaneyd inu 19 jirsado isagoo taagnaa astaanka ama boosteejada laga raaco gawaarida dadweynaha, waxaana nasiib xumo meeshii ugu yimi dhalinyaro gaangiistarro Soomaaliyeed ahaa oo doonayay inay u aargudaan mid iyaga ka mid ahaa oo la khaarajiyay.
 
Waxayna baadi goob ugu jireen oo ugaarsanayeen qof uun dhalinyar oo Soomaali ah waxayna haleeleen Maahir waxayna u weerareen si aad u xun oo naxariistu ka marantahay oo aanay jirin erayo ku filan oo lagu tibaaxi karo.
 
Hooyo Caasha oo dhashay wiilka la diley ee Maahir ayaa ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadda Campden oo u muuqata mid ay la degeen qaaquulooyinka koox kooxaysiga ah ee u dhexeeya dhalinyarada marin habowdey ee soomaaliyeed.
 
“wallaahi ma aqaanno, nin goob jooge ahaa oo Ingiriis ahaa oo kusoo baxay ayaa noo sheegay in wiilkayga ay dillayeen ilaa 20-meeyo dhalinyaro ah, oo isagoo dhulka yaalla haraatiyeeynay ilaa iyo intii ay dhoollida ama aambalaastu imanaysey”.
 
“Maahir wuxuu ahaa wiil wanaagsan aad baana u jeclaa..” , ayay ku catoowdey hooyo Caasha oo ay ilmadu ka hibitiqlayneyso.
 
Xaafadda wulwij ee isla Mag. London ayaa sidoo kale usoo joogtey fowdooyinka ay sameeyaan dhalinyarada saaqidka ah ee Soomaalidu, goor fiid ah ayay ahayd oo koox dhalinyaro Soomaliyeed ay isu qaban qaabinaysey inay ku biiraan kuwa kale si ay uga qayb galaan aroos wayn oo ka dhacayay xaafada Wulij.
 
Lkn nasiib xumo qosolkii jirey wuxuu mar qura isu bedeley qamuunyo iyadoo mid ka mid ah dhalintaasi aanu cimrigiisu ku simin inuu goob joog u ahaado xafladaasi waayo waxaa khaarajiyay wiil kale oo Soomaaliyeed.
 
Wiilka la diley wuxuu ahaa Cabdalla Jaamac oo 20 jir uun ahaa kaasoo inkasta oo la diley bishii June 2007-dii dhowaantan uun maydkiisa la ogolaaday in la aaso.
 
Cabdalla ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo saameeyn leh Soomaalida xaafaduna ay wada garaneysey taasoo dhalisay in dilkiisu uu fariin xun u kala diro dhamaan Soomaalida ku dhaqan xaafadda Wulwij ee Mag. London.
 
Waxaana si qayru caadi ah looga soo xaadiray janaasadii aaskiisa oo tira aan abid la arag oo Soomaali ihi ay yimaaddeen.
 
Dadkii janaasada joogey ayaa si ku celcelis ah isu waydiinayay su’aasha ah “side ayay arintani uga dhex dhici kartaa beesha Soomaalida”.? Kuwaasoo dabcan aad uga yax yaxsanaa waxa lagu tilmaami karo wixii dhacay ma dil mise ceeb..?
 
Waxay dabcan ka murugaysnaayeen bur burka ku bilowday laf dhabarkii iyo xangulihii isu hayay bulshada Soomaalida ee Mag. London.
 
Aabe Muuse oo dhalay wiilka la diley ee Cabdalla Jaamac ayaa ku cowdey inuu sida cad ka naxay dhimashada wiilkiisii uu ku hanka waynaa balse uu sii qarramay markii uu maqlay in waxa diley ay Soomaali kale yihiin?.
 
“Markii hore naxsanaa misna waan sii murugoodey oo amakaagey markii la ii sheegay in waxa wiilkayga toogtey ay Soomaali ahaayeen, waayo weli ma maqal wiil soomaali ah oo qori sita, mida kale ilama aha in dowladda iyo Boliisku ay eedda leeyihiin balse waxaan qabaa in waalidiintu ay mowqif adag ka qaadanin waxa ay ilmohoodu sameeynayaan..?", Ayuu yiri aabe Muuse oo ilmaynaya.
 
Sannadihii yaraa ee ugu dambeeyey Somalida ku dhaqan UK ayaa ku lug lahaa oo udub dhexaad u ahaa qaar ka mid ah dilalka ugu heerka sarreeyey ee ka dhacay dalka Britain oo dhan.
 
Tusaale ahaan dil lagu eedeeyey laguna helay markii dambe Mustafa Jaamac oo khaarajiyay haweeney Boliis ahayd oo la yiraahdo Sharon Bashanafski, sidoo kale Yasiin Cumar oo isna lagu helay inuu wax ka maleegayay qarax dhicisoobey ee laga fulin lahaa meelo ku yaalla mag. London 21-kii bishii July sannadii 2005-tii.
 
Waxaa kaloo jira rabshado iyo kiisas ku saabsan Soomaali Soomaali u gayfan iyo dilal qorsheysan.
 
6-dii bilood ee ugu horeeyey sanadkii 2007-dii in kabadan ilaa 3 boqol oo dembi oo la xiriira rabshado ay kujiraan dilal ayaa lagu soo oogey Soomaalida oo kuwa ugu badanina ay yihiin dhalinyaro u diyaarsan oo u ooman inay wax dilaan.
 
Xaafada Wulij-na waxay ku baraarugtey jiilkan cusub ee ka dhex dhashay ee dhibka iyo silica ay badayaan ubixii indhohooda iyo ardaydii ay iskuullada u dirteen, waa “kugu dhimay oo kaa dhimay kii dhintaba waa ani”.
 
Mid ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan xaafada Woolwich ayaa ka sheekeynaya sida uu u arko mustaqbal xumida soo wajahday qaar badan oo ka mid ah da’yarta Somaalida ah oo sida uu sheegay ay barbaarintii ka wareertay taasoo wax laga saari karo waalidiinta qaarkood gaar ahaan kuwa aan tusaalaha wanaagsan u noqon Karin ilmohooda sida kuwa qaadka cuna ama maandooriyaasha kale isticmaala waloow ay hidaayadu xag Alle ka timaaddo.
 
“waa mid aad u adag in aad liqdo marka aad aragto wiil yar oo jira 4-6 sannadood oo ka qaadaya walaalihiis ama saaxiibadiis daroogo oo inta baabuurta jidka maraysa kasoo gado lacagtii u keenaya”, ayuu yiri ninkaasi.
 
Oo intaa ku daray “waxaad dareemeysaa calloolyoow sidii adiga oo dhimanaya oo kale waxaad ka qaban kartaana maba jiraan”, ayuu hadalkiisii kusoo jaray ninkan oo ka mid odayaasha xaafadda Woolwich.
 
Qofkii ugu dambeeyey ee ku baxa gacanta dhalinyaradan faraqoobey ayaa ahaa Yasiin C/ Raxman oo 22 jir ahaa isla markaana arday ahaa, waxaa lagu tooriyeeyey jidadka Xaafadda South Hall ee Mag. London wuxuuna miyir la’aa mudo todobaad ah kahor intii aanu xijaabanin 11-kii Sept. sanadii 2007-dii.
 
Xaafadda South Hall ayaa dabcan ka mid ah xaafadaha ay Soomaalidu ku badanyihiin balse xaalku ma fiicna oo wax badan baa is bedeley iyadoo dadku aanay diyaar u ahayn inay la hadlaan weriyayaasha sidoo kale dooni maayaan in la sawiro.


 

 
By Abaas Mohamed Sh Yusuf
 

 

 
Qurans

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Qurans
Sh: Maxamud Cali Waceys
Qurans
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe