Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gedonet.com/

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Ururka Khawaarijta Al-shabaab oo xirey Idaacadda Maandeeq ee Magaalada Baladxaawo qalabkeediina bililiqeystey


Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa maantay Al-baabada u laabey Idaacad ku taalay Magaalada Balad-xaawo ee Gobalka Gedo.
 
Maleeshiyaad hubeysan ayaa aroortii hore soo galay xarunta idaacadda Maandeeq, waxayna ku amreen wariye-yaashii idaacadda in ay damiyaan idaacadda, markii ay demiyeenna, Qalabkii idaacadda ayey ka rarteen xarunta, iyagoon la garanayn ilaa iyo imminka meesha ay geeyeen Qalabkaas.
 
Warar uu helay Raadiyaha iyo Webka Mustaqiim ayaa sheegaya in ay idaacaddaas wareysiyo ka qaaddey Ciidamda Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo shalay Magaalada Soo galay, halkaasna xoog uga saarey Khawaarijta, iyagoo markii dambana uga baxay xeelad milatari.
 
Markii ay Khawaarijtu magaalada dib-u-soo gashay ayey u dhaqaaqeen dhanka Idaacadda iyagoo gebi ahaanba xirey, bililiqeysteyna dhammaan agabkii yaallay xarunta Idaacadda.
 
Idaacaddaan ayaa ahayd idaacad madax-bannaan oo ka hawl-geli jirtey Magaalada Balad-xaawo, waxaana idaacaddaas lagu magacaabaa “Radio Maandeeq”, waxayna ahayd idaacadda kaliya ee ka hawl-geli jirtey Magaaladaas Balad-xaawo.
 
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Khawaarijtu Idaacado Soomaaliyeed xiraan qalabkana ka bililiqeystaan, waxaa taas oo kale horey uga sameeyeen Magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo.
 
Waxay kaloo iyana xireen daacado badan, sida Radio Hornafrik, Idaacadda Warsan iyo Radio Jubba iyo kuwo kalaba. Idaacadda Radio Warsan ayaa la sheegey in ay inta la wareegeen, ay iyagu ku shaqeystaan, wareye yaasheediina ka cayriyeen gobalka.


 

 

 
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com
 
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
 

 

 
Qurans

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Qurans
Sh: Maxamud Cali Waceys
Qurans
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe