

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gedonet.com/
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
SIDEE LOOGA CIIDEY GOBALLADA DHEXE
Waxaa maanta si wada jir
ah looga ciidey isla markaana
Salaadda Ciida lagu Tukaday
Goballada Bartamaha Soomaaliya
(Goballada Dhexe) ee dhammaanba
hostaga Maamulka Culimada
Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna
Wal-ajaamca.
Saakey ayaa markii waagii
dillaacay hal mar shacabka
goballada dhexe ku soo wada
tooseen Takbiirta ka bilaabatey
Masaajidda Waaweyn ee ku yaalla
magaalooyinka kala duwan
ee Goballada Dhexe.
Isla markii Shacabka Goballada
dhexe ay maqleen Takbiirta
Masaajidda ka socota ayey
waxay bilaabeen in ay isugu
soo baxaan shacabka halkaas
ku dhaqan Fagaare-yaasha iyo
masaajidda kala duwan ee
ku kala yaalla Goballada dhexe.
Shacabka halkaas isugu soo
baxay oo isugu jirey shacabka
qaybihiisa kala duwan ayaa si
wada jir ah kor ugu dhawaaqayey
Takbiirta Ciiddul-adxada, waxay
sidoo kale si wada jir ah ugu
damaashaadayeen Farxadda
Maalinta Ciidda Carrafo.
Magaalooyinka Maanta sida
wada jirka ah looga ciidey
ayaa ah dhammaan magaalooyinka
hoostaga Maamulka Culimada
Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna
Wal-jamaaca.
Farxad iyo Rayn-rayn ayaa maanta
ka muuqatey dhammaan shacabka ku
nool goballada dhexe, iyagoo
carruurta, haweenka iyo
dhammaan bulshada ay ka
muuqadatey farxad iyo damaashaad.
Salaaddii Ciidda ka dib,
Maamulka Culimada Soomaaliyeed
ee Goballada Dhexe ayaa saakey
hambalyo iyo bogaadin u direy
dhammaan shacabka Soomaaliyeed
meel kasta oo ay joogaan,
iyagoo alle uga baryey in uu
Shacabka Soomaaliyeed u
naxariisto, abaaraha iyo
colaadahana ka dul-qaado.
Waxay sidoo kale culimada
Soomaaliyeed ka codsadeen
Dhammaan shacabka Soomaaliyeed
in ay u guntadaan sidii ay
uga shaqayn lahaayeen nabadda
iyo Musaalaxada, si markaas
loogu helo waddanka Nabad waarta.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim.com
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|