

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Khawaarijta Al-shabaab oo
hal god oo weyn u qodey
Maydadkoodii shalay kuna
aasey maanta halkaas
28 01 2010
Sida ay sheegayaan warar aan
ka helnay Deegaanka Wabxo,
waxay Khawaarijta Al-shabaab
maanta u qoddey god weyn
Maydad aad u badan oo naftoodii
ku waayey dagaalkii ay la galeen
Ciidamada Daacadda u ah
Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
War-baahinta Mustaqiim ayaa waxaa
la soo xiriirey maanta nin ku
sugan deegaanka Wabxo oo ay
ku sugan yihiin Khawaarijtu
hadda, ninkaas ayaa codsadey
in magiciisa la qariyo sababo
la xiriira ammaankiisa,
maaddaama uu ku sugan hadda
deegananka Wabxo oo ay
joogaan Khawaarijtu.
Ninkaan oo la soo xiriirey
Shabakadda War-baahinta Mustaqiim
ayaa sheegey in uu maanta in
dhihiisa ku arkey Maydad 70tameeyo
ka badan -sida uu qiyaasey- oo
hal god oo weyn inta loo
qadey hal mar lagu shubey.
Mar aan wax ka waydiinnay sababta
Xabaalo ay ugu samayn waayeen
ayuu ninkaas ku jawaabey in ay
Maydadku badan yihiin, ayna ku
cuslootey in ay nin walba u
sameeyaan god gaar ah.
Wuxuu kaloo ninkaas nala soo
xiriirey uu sheegey in ay jirto
cabsi xooggan oo ay Khawaarijtu
ka qabaan in ay Ciidamada Ahlu-sunna
Wal-jamaaca weerar ku soo qadaan
dabadeedna ay Maydadkaas
sawirka ka qaataan.
Wuxuu sheegey in Maleeshiyada
Khawaarijta ay wajiyadooda ka
muuqatey murugo aad u weyn,
ayna ka soo gaareen jab iyo
halaag Dagaalladii shalay ku
dhex marey iyaga iyo Xoogagga
Ahlu-sunna Wal-jamaaca War-xoolo iyo Cawsweyn.
Wixii warar ee soo kordha kala
soco wararka yaga dambe.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
Wabxo, Galguduud.,
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe

Sh.Maxamed .Y. Xeefoow
|
|