

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Ehelada xasan daahir oo
caddeeysey caafimaad darradii
saxaafadu ka faafiyeen xasan daahir aweys.
29 01 2010
Usbuucaan gudihiisa ayay
saxaafadda soomaalidu hadal
hayeen in uu aad u liito
caafimaadka xasan daahir aweys .
Baaris ay sameysay shabakada
ahlusunna.org ayay qaar ka mid
ah ehelada xasan daahir u
xaqiijiyeen in ay runtahay
caafmaad darrida soo wajahday
dilaa sare Xasan daahir aweys.
Awes ayaa mudda ka badan
labaatan sano soomaaliya ka
wadey dagaallo lagu hoobtay
oo uu si been abuur ah ugu
sheegayey dagaalla diineed .
Hadallada aadka uga fog diinta
Islamka ee xasan daahir ku
hadlay laguna xasuusto ayaa
waxaa ka mid ahaa in uu yiri :
Dagaallada aan wadno wey
bannaanyihiin oo jannada ayaa
lagu gelayaa , laakiin dagaalka
aan bannaanayn ee fitnada ah
waa dagaalkii ay galeen asaxaabtii
uu hoggaaminayey Cali Ibnu
abii Daalib RC.
Naxariis darrada xasan daahir
ayaa iyadana lagu xasuustaa
markii uu idaacadaha ka yiri :
dadku dawlad uma baahna weyna
ka raysteen .
Hadalkan oo ah mid naxdin ku
noqday shacabka tabaalaysan
ayaa waxaa ka sii argagax badnaa
markii uu yiri : “ dawlad la’aanta
waa laga faa;iiday , wax kastana
hour mar ayaa laga gaaray ,
fiiriya ganacsiga , isgarsiinnada iwm .”
kaas waa hadalladii xadan dahir
awes oo ay ka muuqato in wax
jixinjix ah aanu u hayn shacabka
ku baaba’aya colaadaha iyo
dhibaatada ay dawlad la’aantu
keentay , laakiin uu ku
faraxsanyahay hantida faraha
badan ee ay haystaan dhiig
miiratada ka taajirtay
dhiigga ummadda.
Waxaa la rumaysanyahay in Xasan
daahir ay dhaawacyo ka soo
gaareen dagaallo uu gobollada
dhexe kula galay xoogagga ahlu
sunna wal jamaaca ; tan iyo
wixii dhaawacyadaas ka danbeeyeyna
mar danbe xasan daahir isma
soo tarin caafimaadkiisu ,
mana gelin wax danbe oo dagaal ah.
Wararka ay saxaafadaha qaar ka
qoreen odaygan dagaal oogaha
ah ee ka been sheega diinta
uu sida khaldan ugu qaraabto
ayaa waxay ciwaan uga dhigeen :
“ xasan daahir oo ay liidato
xaaladdiisa caafimaad iyo
middiisa siyaasadeed “
Waxaana hadalladii ay ka
yiraahdeen oo rumaynaya kuwa
ka soo yeeray eheladisa ka mid ahaa :
“Warar lagu kalsoonyahay oo
laga helayo ilo muhiim ah oo
ka ag dhow Hogaamiyaha Xisbul
islaan Xasan Daahir Aweys ayaa
tibaaxaya in baryahan dambe
ay liidatay xaaladiisa caafimaad.
Xogtan ayaa tilmaameysa in Aweys
mudadii u dambeysay uu la il
darnaa xanuun xaga Bogga ah
ayadoo baaritaano hordhac ah
ay sheegeen in uu ku xumaaday
xanuunka loo yaqaano Gaastariiga,
taasoo ay usii dheertahay
xanuuno dhinaca neerfaha ah
mararka qaarna lagu arko carro
saaid ah oo aan horay looga baran.
Xanuunadan ayaa keensaday in
Xasan Daahir Aweys laga waayo
goobaha lagu arki jiray oo uu
asxaabtiisa kula kulmi jiray.
Sidoo kale , dadka ku nool
Deegaannada loo Bara kacay ee
Ceelasha Biyaha oo uu aweys ku
dhex noolyahay ayaa tabay
maqnaanshahiisa kadib markii
ay ka waayeen Jimcaha iyo
Jamaacada oo uu marmar soo
xaadiri jiray.
Xanuunkan ayaa u dheer mid kale
oo dhanka siyaasada ah ayadoo
la ogsoonyahay in Aweys uu
saxaafada ka gaabsaday taasoo
lala xiriirinayo xanuunka
haatan haya iyo Siyaasada
Xisbul islaa oo dhulka sii gashay.
Xisbul islaam ayaa gabi ahaanba
laga sifeeyay Jubbooyinka, haatana
lagu heystaa Gobolka Hiiraan,
waxaa kale oo fashilmay qorshe
Aweys uu kaga mid noqon lahaa
Al-Shabaab, arrimahaas iyo kuwa
kale oo Masraxa siyaasada ka
sii saaraya Xisbul islaan,
Mugdina sii galiyey Mustaqbalka
xasan Aweys.
Hadii Aweys ka bogsado xanuunka
haya ayaa la garaneyn sida uu uga
bogsan doono kan xaga siyaasada
ah, waxaana dhici karta in uu
saxaafada u waramo hadii uu qaato
isbedel wanaagsan oo xaga
siyaasada ah ama Xisbul islaan
gaaro horumar iyo guulo la
taaban karo ama Horjoogayaasha
Al-Shabaab ay siiyaan Barnaamij
uu kaga mid noqon karo ururkooda
kuna qanci karo.
Kooxda Al-Shabaab ayaa gacan ku
gabad aheyd kahor intii uusan
Aweys ka soo laaban Eretariya
waana kooxda iminka qatarta ku
ah damaca x. Aweys iyo
jiritaanka Xisbul islaan.
Si kastaba ha ahaatee waxay u
badantahay in uu dhacay gabbalkii
dilaa sare xasan d. aweys
maadaama ay isugu darsantay
dhaawac , xanuun , niyad jab
siyaasadeed iyo Rabbi oo
ballan qaaday in aanu sii
daynen daalimka marka uu qabto.
Ahlusunna.org

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe

Sh.Maxamed .Y. Xeefoow
|
|