

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
|
Faah Faahin Doorashadii madaxda Fulinta
Ahlu sunna wal -jamaaca ee
bartamaha soomaaliya iyo marxaladihii ay soo martay
29 01 2010
Goddoomiyihii Golaha Talada
Ahlu –Sunna Wal-Jamaaca ee
bartamaha Soomaaliya Ambasator
Cumar C/Qaadir oo guddoominayey
hadallana ka soo jeediyey.
Shirkii Culimaa’udiinka Soomaaliyeed
ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca
ugu qabsoomay magaalada
Cabud waaq ee Gobolka Gal
Guduud 1-da jan 210 , waxaa
lagu doortay guddoomiyihii
golaha dhexe ee ahlu sunna
wal jamaaca ee maamulka bartamaha
Soomaaliya iyo laba guddoomiye
xigeen . waxayna kala ahaayeen :
1- Ambassador Cumar C/Qaadir Aadan Guddoomiye
2- C/llahi Cabdi Muxammad kuxigeenka 1aad
3- Cali cumar Xareed ku xigeenka 3-aad
Sida uu qoray hishiis nidaameedka
Shir weynaha Ahlu sunna waljamaaca
ee magaalada Caabud waaaq golahan
wuxuu awood u leeyahay in uu soo
doorte Guddoomiyaha Fulinta iyo
labadiisa Guddoomiye xigeen.
Haddaba golhan isaga oo fulinaya
masuuliyadda culus ee dusha laga
saaray , isaga oo tix gelinaya
baahida loo qabo maamul hufan
oo loo sameeyo u halgamayaasha
xornimada Soomaaliya , iyaga oo
maanka lagu hayo marxaladda adag
ee dalku ku suganyihiin waxay
maanta soo doorteen Guddoomiyihii
Golaha fulinta iyo labadiisii ku xigeen.
Doorashadan oo ka dhacday magaalada
Gurceel waxaa lagu fuliyey shir
ay golaha taladu u fadhiyeen
saddexdii maalmood ee la soo
dhaafay waxaana shir guddoominayey
Guddoomiyaha golaha dhexe
Ambassador Cumar C/Qaadir Aadan .
Guddoomiyaha Waxa uu ku dhawaaqay
shirku uu guda galay xilligii
doorashada ; ayna codka doorashada
bixinayey 31-xubnood oo ah Golaha
dhexe ee Maamulka Culumaa’udiinka
Ahlu Sunna Waljamaaca .
Waxana uu sheegay in xubnaha goluhu
ay u codeenayay sidii ay u kala
dooran lahaayeen 3 Musharax oo
kala ah Maxamed Yuusuf Xeefow,
Cumar Cali Rooble iyo Maxamed
Maxamuud Yuusuf ( Aw Libaax ).
Guddoomiyaha ayaa ugu danbeeyntii
shaaciyey in doorashadii ay ku
dhammaaday si habsami leh oo
Alle loogu xaamdiyo ; lana
doortay masuuliyiinta kala ah :
1- Maxamed Yuusuf Xeefow Guddoomiye
2- Cumar Cali Rooble G/Xigeenka 1aad
3- Maxamed Maxuud Yuusuf G/Xigeenka 2aad
Halkaan ka dhagayso Gudoomiya Cusub ee gudiga fulinta
Intaasi kadib waxaa Saxaafada la
hadlay gudoomiyaha cusub ee maanta
loo doortay golaha fulinta Maxamed
Yuusuf Xeefow isagoona ; waxana uu
sheegay in aan jago iyo xil
qaadasho aysan muhimmaddu ahayn
balase loo baahanyahay sidii
looga soo dahlaali lahaa hawsha
culus ee na hortaalla.
Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay
in sida ugu dhaqsiyaha badan loo
soo dhammaystiri doono xubnaha
ka dhimman golaha fulinta haddii
uu oggolaado Allaha awoodda leh.
Culammaa’udiinka Soomaaliyeed ee
ahlu sunna wal-jamaaca ayaa maamulkan
cusub Ilaahay uga baryeyaa in
Rabbi uu ku guuleeyo masuuliyaddan culayska badan.
Ahlu sunna media


Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe

Sh.Maxamed .Y. Xeefoow
|
|