

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
|
Caddaynta Xaqa iyo Nasiixada Xaq
doonka Buug uu qoray sheekh
C/Rasaaq Yuusuf Aadan . { Taariikhda YURUB }
29 01 2010
Haddii aan dib ugu laabanno
xusuusta qoraalka , waxaad
la socoteen in Qaybtan 1aad
ee Buugga aan uga falloonayney
Istiraatiijiyada caalamka ee
xilligii ay soo bexeen wahaabiayda.
waxaanna qaybtan saldhig uga
dhignay Tarriikhda Bariga dhexe
, Yurub iyo Cusmaaniyadda.
Waxaa noo soo dhammaaday taariikhda
Bariga dhexe , waxaanna halkaan
ka gelaynaa taarikhda Yurub ,
oo aan ku soo gudbin doonno
macluumaad aad muhiim ugu ah
qofka muslimka ah ee doonaya
in uu xog ogaal u noqdo mu'aamaradaha
cadawga iyo marxaladihii uu soo maray .
Kun sano ka hor maanta, dawladaha
Yurub ma ahayn sida hadda loo
yaqaan; Kahriidadoodu ma ahayn
sida ay maanta tahay; magacyada
loo yaqaanna maantana ma aha
inta badan kuwii berigaa loo yiqiinay.
Kun sano ka hor maanta, Yurub
ma ahayn dawlado, balse waxay
ahaayeen deegaanno gooni gooni
ah ama imaarado mid waliba
goonidiis duq ama boqor u lahayd.
Matalan dalka Faransa haddaan
tusaale u soo qaadano wuxuu ka
koobnaa tobaneeyo boqortooyo
oo xilligaas ugu muuqaal waynaayeen
boqorro goboleedyada kala ahaa
Noormandi, Baliyoos, Falandaris,
Bowilloon, Towloos iyo Abulliya.
Inkastoo boqorka Faransa jiray,
haddane awoodiisu ma ahayn mid
buuxda oo dalkoo dhan camimta.
Waxay ku xirnayd awoodiisa iyo
inta uu saameeyo xukunkiisa
hadba sida ay u taageeraan oo
ciidan iyo cood u siiyaan
boqorrada dhul goostayaasha ah
ee mid waliba xukumo deegaan
u gaar ah sida kuwa aanu soo xusnay.
Yurub markay ka baxday nidaamkii
dhul goosiga oo uu xoogaystay
gacansiga, ayey xoogaysatey
maamulka dhexe ee dawliga ah
ee ku dhisan Qaranimada.
Xagga dhaqaalaha yurub waxay ku
dhisnayd nidaamka dhul-goosiga ah,
oo dadku beero ayey gacamahooda
ama xoolahooda ku falan jireen.
Hubka xilligaas wuxuu ahaa seef,
waran, gashaan iyo fardo.
? yurub iyo Dagaalkii Saliibiyada (1100M – 1400M)
Wuxuu ahaa dagaal muslim iyo
gaalo dhexmara kii ugu adkaa
ee caalamka soo mara. Wuxuu
bilaabmay abbaaraha sanaddii
1,100 Miilaadiyada, wuxuuna
dhamaaday qiyaasta 1.400
Miilaadiyada, taasoo macnaheedu
yahay inuu socday 300 sano;
inkastoo taariikhyahanada
isku waafaqsanayn muddada uu socday.
Ujeedada dagaalku wuxuu ahaa
Kirishtaanka oo doonayey inay
dib u qabsadaan Qudusta barkaysan.
Bayzantin waxay markaas ahayd
xarunta xadaaradda ugu waynayd
adduunka xilligaas.
Waxaa hoos imaanayey dhulal aad u
ballaaran oo ku kala yaalla Afrika,
Bariga Dhexe, Aasiyada-yar iyo Yurub.
Matalan, dhulalka Bariga dhexe,
Masar, liibiya, Tunuusiya,
Aljeeriya, Marooko, dhammaan
Islaamku wuxuu ka furtay bayzantiinka.
Xadaaradda Bayzantiinka waxay
ahayd hoggaanka kiniisadda
Kirishtaanka ee xilligaas.
Xarunteedu waxay ahayd Qusdandiin
oo maanta Istanbuul loo yaqaan.
Islaamku markuu gacanta ku dhigay
inta badan dhulalkii hoos
imaanayey Bayzantiiniyiinta,
wuxuu ku fiday dhulkii
xukuumadii Bayzantiinka qudheeda.
Boqortooyada Bayzantiinka markay
muddo kula jirtay Islaamka dagaal,
dhulkeedana lagu soo siqayey
in muddo ah, oo islaamku soo
gaaray gidaarada caasimadda
Bayzntiinka, ayey ka codsatay
dawladihii Yurubta Galbeed oo
hoos imaanayey kaniisaddii
Roomaanka ciidan la dagaalama
Islaamka kana xoreeya Qudus
iyo Baytul-laxam oo ah halka
uu ku dhashay Nabi Ciise (CS).
Waa socoaa-------
Mustaqiim.com


Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe

Sh.Maxamed .Y. Xeefoow
|
|