

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
|
Shabaabku yey uga daysadeen
falalka ay sameynayaan.
{ Qabsashadii Wahaabiyada
ee Maka 1218H - 1803M}.
31 01 2010
• Waxaan qoraalladeennii hore
ku soo ogaannay in sheekha
wahaabiayda Med C/wahaab uu
amray wahaabiyadiisii in
muslimiinta loo aqoonsado
gaalo , lagu na jihaadayo.
• Waxaan soo ogaannay in ay
laayeen muslimiintii degganayd
Riyaad , wixii ka baxsadayna
ay firxdkoodii jidka ku laynayeen.
• Waxaan soo ogaannay in ay
dhaceen ganiimana ku sheegeen
hantida muslimiintii ay laayeen
iyo kuwii ay qabsadeen magaalooyinkooda.
• Waxaan soo ogannay in hantidii
ay bililiqaysteen ay ku jirtey
Kitaabbada Quraanka iyo goglaha
masaajidda ;
Xadgudub yadaas naxdinta leh ee
aan taariikhda horey loogu arag
ayey ku sheegeen kitaabbadooda ,
oo waa xaqiiqo aan u baahnayn
caddaymo kale.
Dhibaato arrimahaas oo dhan ka
daran waxay sameeyeen wahaabiyadu
markii ay xoog ku qabsadeen
Magaalooyinkii barakaysanaa ee
maka iyo madiina , dadkee degganaana
ay ka dhigeen qaar dhintay iyo
kuwa silac ku noolaaday.
Wahaabiayda oo qiratay kitaabbadeedana
ku qoratay tacaddiyadii iyo
baabi'intii naxdinta lahayd ee
ay u gaysteen Muslimiintii
degganayd Magaalada MAKA- Almukarramah.
Kitaabka ay wahaabiaydu aadka ugu
kalsoonyihiin ee Cunwaaanul-majdi,
juska I-aad, bogga 135, waxay ku
sheegeen wahaabiyadu “inay go’doomiyeen
magaalada Makah ayna Muslimintii
degganeyd gaarsiiyeen heer ay cunaan
hilibka Eeyaha, Dameeraha, Baqtiga
Xoolaha iyo Bahalladana , lagu kala
iibsaday lacago aad u fara badan”.
Sida ku ay ku qoreen isla kitaabkooda
Cunwaanul Majdi juska 1aad bogga 124
Tacaddiyo iyo dhibaatooyin kuwaas
ka xun ayey wahaabiyadu u eysteen
Muslimiintii reer makah ka dib
markii ay qabsadeen magaalada
1218-kii Hijriyada oo ku beegan
1813 Miilaadiya.
Waxay laayeen Asharaaftii iyo
culammadoodii caalimiinta ahaa ,
waxay dun dumiyeen mawdacyadii
saalixiinta qubuurihiina way qufteen
waxayna qubuurihii asaxaabta
ku magacaabeen asnaam .
Dhibaato intaas ka badan waxay u
geysteen muslimiintii degganayd
magaalada barakaysan ee Madiina
Al munawarah. Ka dib markii ay
qabsadeen Madiina 122o hijriya
oo ku beegan 1805 miladiya.
Dagaalkii ay wahaabiaydu ku qabsadeen
maka iyo madiina waxay ku magacaabeen
Fatxu Maka iyo Fatxu Madiina!!! ,
oo macneheedu yahay furashadii
Maka iyo Madiina.
Furasha waxaa la yiraahdaa magaalooyinka
gaalada laga qabdsado laakiin
wahaabiyadu magaalooyinkii ay
muslimiinta ka qabsadeen ayey
ku magacaabaan furasho , maadaama
ay gaalo u yaqaaniin dadka aan
aamminsanayn fikraddooda.
Haddaba su'aashu waxay tahay shabaabka
ka dagaallama Soomaaliya ma
gaysteen dhibaatada iyo tacaddiyada
ay ardadii maxammed C/wahaab u
geysteen Magaalooyinkii maka iyo madiina ?.
Magaalooyinkii ay qabsadeen shabaabku
ma ku qasbeen in ay cunaan hilibka
eeyaha , dameeraha iyo bakhtiga
xoolaha, intii soo hartayna ma
laayeen , sidii ay sameeyeen
maxammed cabdul wahaab iyo ardadiisu.
Sow ma cadda in shabaabku fuliyeen
dhaqankii wahaabiayda ee diinta
looga dhigay oo ay raaceen Maxammed
C/Wahaab; welibana aanay wada
fulin falalkii bahalnimada ahaa
ee ay sameeyeen Maxammed C/wahaab
iyo ardadiisu.
Sow xaq darro ma aha in si gaar ah
loo eedeeyo shabaabka iyadoo aan
la eedeyneyn waddaadadii baray
fikradda wahaabiyada ee takfiirka ah .
Sow xaqiiqa ma aha taariikhda wahaabiyaana
kuma cadda in dilalka , gawraca
iyo tacaddiyada shabaabku gaysanayaan
ay ka masuul yihiin waddadada
faafiya wahaabiaynimada .
Kuwa duuba cajaladaha faraha badan ,
kuwa maal geliya iyo kuwa aqriya
kutubta takfiirka wahaabiyada
ee dilaaga ah.
Dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa
ku nool YUrub , Ameerika , Ostareliya
soow lama gudboona in ay iska
joojiyaan dhegaysiga cajaladaha
aadka loo maal geliyey ee ay
duubeen wahaabiayda , iyo in aanay
taageerin shirarkooda , shirkadohooda ,
kana fogaadaan wax kasta oo suura
gal ka dhigi kara in wahaabiyannimadu sii faafto
Ahlu sunna media


Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe

Sh.Maxamed .Y. Xeefoow
|
|