Siyaaro si heer sare ah loo soo
agaasimay laguna xusayey Mashaa'ikhdii
Caanka eheed ee kala ahaa
Shiek Cabdallaah iyo Sheikh
Cawareere (R.C.M)ayaa ka dhacday
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minneasota.
01 02 2010
Siyaartaan oo ay kasoo qeyb galeen
dad boqool kor u dhaafaya isuguna
jira dhamaan bulshada qeybaheeda
kala duwan iyo waliba Dariiqooyinka
Ahlussuna waljamaacah ee ku dhaqan
wadanka mareykanka ayaa Culamadii
halkaas kasoo qeybgashay waxa ay
dadkii ka dharjiyeen Muxaadarooyin
kala duduwan oo taabanayay dhinacya badan
iyo madaa’ix aad u macaan.
Sheikh C/casiis Sh. Yuusuf Sh. Ibraahim
ayaa halkaas kasoo jeediyey Muxaadaro
qayim ah oo taabanaysay dhinacyo
badan. Sheikh C/Casiis ayaa
diirada saaray kasheekaynta
Xadgudubka ay Bidcadu u geysato
diinta islaamka gaar ahaan Awliyada
illaahay oo ay kula kacaan xushma daro.
Sheeikha ayaa kasooqeybgalayaashii
oga digay in ay iska illaaliyaan
dhagarta khawaarijta kana feejignaadaan
in laga marin habaabiyo diintooda
ayagoo luugu soo gabanayo magaca diinta.
Sheik C/lahi Macalim Xusseen Gaab
ayaa asna halkaas kasoo jeediyey
hadal iskugu jira wacyigalin iyo
dardaaran. Sheikha ayaa kula
dardaarmey dhamaan umada soomaaliyeed
inta samaha jecel meel walba ay joogaan in ay gows danbeedka
ku qabsadaan Xariga illaahay iyo
Sunnada Rasuulka (S.C.W., kuna
dadaalaan allaah kacabsiga iyo
cibaadada suuban.
Waxaa halkaas asna Muxaadaro
Dadkii aad ugu Khushuuceen
ka soo jeediyay
Sh. C/qaadir Macalim Adan.
Sheikha ayaa ku dheeraaday
kasheekaynta Kaaraamaadka Awliyada Illahaay,
halkaasna ku soo bandhigay
adilooyin iyo cadeymo waadix ah kana
tarjumayay qeymaha iyo sharafta
uu Rabbi siiyey Awliyadiisa
aaqiro iyo aduunba.
Sidoo kale Sheikh Cismaan Bashi
ayaa si waafi ah oga
waramay taariikhda sharafta badan
ee muqadaska ee labada Sheeykh,
Sheikha ayaa ka sheekeeyay wax qabadkii Diinta
ee labada Sheikh iyo Munaaqabaadkoodii
cajiibka ahaa
Dhamaan Culumadii ka hadashay
Siyaaradaan ayaa faray dadkaki
kasooqebgalay Siyaarta in Illaahay
loo laabto lana badiyo Allaah bariga
sibey yiraahdeen Illaahay nooga
dulqaado fitnada kasocoto wadankeena
iyo dhamaan caalamka islaamka.