

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Maamulka Ahlu-sunna Wal-jamaaca
ee Goballada dhexe oo soo
bandhigey Maxbuus Khawaarj
ah oo ay hayeen iyo Shiikh
Abuu Yuusuf Al-Qaadi oo arrimo badan ka hadlay
1 02 2010
Maamulka Culimada Ahlu-sunna
Wal-jamaaca ee Goballada dhexe
ayaa shalay meel fagaare ah ku
soo bandhigay Jaajuus Maxbuus
ahaa oo horey ay Ciidamada
Ammaanka Ahlu-sunna Wal-jamaaca
gacanta ugu soo dhigeen.
Jaajuuskaan oo lagu magacaabo
Maxamed C/raxmaan Axmed ayaa
waxaa la soo qabtey 23-dii Bishii
la soo dhaafey, iyadoo labo kale
oo la socotey la toogtey markii
ninkaan gacanta lagu soo dhigey.
Meesha lagu soo bandhigey ninkaan
Khawaarijka ah aya ahayd meel
fagaare ah oo ay ka soo qayb-galeen
dhammaan qaybaha Bulshada kala
duwan ee ku dhaqan Goballada
dhexe si ay u arkaan ninkaas
Khawaarijka ah ee ay kal hore
Ciidamada ammaanka Ahlu-sunna
wal-jamaaca gacanta ku soo dhigeen.
Sheekh C/laahi C/raxmaan Abuu
Yuusuf Al Qaadi oo ah Madaxa
War-faafinta Maamulka Culimada
Ahlu-Sunna Wal-jamaaca ayaa
isagoo War-fidiyeenka la hadlayey
sheegey in ay ninkaan u soo
bandhigeen Shacabka Soomaaliyeed
si ay u arkaan.
Wuxuu kaloo Shiikhu ka war-bixiyey
sidii ninkaan lagu soo qabtey iyo
weliba siro badan oo uu ninkaan
bixiyey oo ku saabsan hawl-gallada
Khawaarijta, dadka la shaqeeya,
Tirada Ajaanibta la socota, dadka
xukuma iyo weliba meelaha ay hubka
iyo dhaqaaluhu ka soo galaan.
Wuxuu kaloo Shiikhu ka warramay
hawl-galkii Milateri ee ay Ciidamada
Ahlu-sunna Wal-jamaaca ku qaadeen
Magaalada Baladxaawo ee Gobalka
Gedo, isagoo Shiikhu sheegey in
halkaas Bidco iyo Khawaarij
badan lagu laayey.
Wuxuu aakhirkii Shiikhu sheegey
in ninkaas Maxbuuska ah ee
Khawaarijkaa la soo saari
doono Maxkamad, lagu fulin
doono waxa ay Maxkamaddu
soo go’aamiso.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
Dhuusamareed, Galguduud,
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|