Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


SIIRA : DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW


2 02 2010
Rasuulka SCW wuxuu dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor , sida Raajixa ah.
 
Markuu dhashay Xabiibku waxay hooyadiis Aamina u cid dirtay awowgiis Cabdi-muddalib oo ay ugu bishaareysay dhalashada Nabiga SCW, Cabdi-muddalibna wuxuu ka guddoomay bishaarayntii, wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey,kuna shukriyey.
 
Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Muxammad kaasoo ahaa magac aan Carabtu la bixi jirin.
 
Rasuulka SCW waxaa dhowr maalmood nujisey gabadhii la oran jirey Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab,iyadoo horayna u nuujisey adeerkiis Xamsa, hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatu- sacdiyah) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa lagunaanaysi jiray Abuu-kabshe.
 
Marka aan wax yar ka eegno habka ay ku nuujisey Xaliimatu sacdiyah, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay kiro (xoolo ama lacag) ka helaan.
 
Sida ay qorayaan kutub siira ah oo uu ka mid yahay Siirada Ibnu Isxaaq , Xaliimatu-sacdiyah waxay tirii: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen , waxayna dheheen: "Maxaan ku samayneynaa wiilkaan agoonka ah".
 
Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tiri ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay.
 
Isla markiiba Dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi".
 
Naasihii Xaliimo caano ayey yeesheen aysan horay ulahayn markii ay nabiga nuujisey. xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacyadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.
 
Ka dib markay Xaliimatu sacdiyah labo sano soo nuujisey Nabiga SCW, ayey u soo celisey hooyadiis, laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad.
 
Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo wali la jira Xaliima ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Malagga Jibriil, markaasuu qabtay oo legdey oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar , markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", kadibna intuu dhaqay ayuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la diley", markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxuu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, sidaas ayayn a hooyadiis ugu geeyeen.
 
Intaa kadib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa uu lix sano ka gaarey, markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo siyaarato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdul-muddalib , jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW.
 
Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen, hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo ABWAA oo Makka iyo Madiina u dhexaysa.
 
Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdi-muddalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey.
 
Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-daalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-daalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.

Waa socotaa ----
 
Mustaqiim.com
 

 
Back

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe