Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Shabaabku yey uga daysadeen falalka ay sameynayaan { BURBURINTA IYO QUFASHADA QUBUURAHA SAALIXIINTA } qaybtii 8aad.


3 02 2010
Burburinta iyo qufashada qubuuraha, ay ku aasanyihiin sheekhyadu, ma aha mid ay billaabeen shabaabku. Waa caqiidada wahaabiyada, waxayna shabaabku ka barteen wadaaddadooda wahaabiyada ah.
 
Weli shabaabku ma gaarin heerkii Maxamed C/wahaab iyo wahaabiyadiisu gaarsiiyeen, ku xad gudubka ay u geysteen sheekhyada dhintay.
 
Tusaale kooban waxaan u soo qaadan karnaa, falalkii Maxamed C/wahaab, iyo raggiisii, ay sameeyeen 1803-dii, markii ay qabsadeen magaalada barakaysan ee 'Makka Al-Mukarramah'.
 
Kitaabkooda Cunwaanul-majdi, juska 1-aad, bogga 124, waxay ku qoreen burburintii xad dhaafka ahayd ee ay u gaysteen Qubuurihii saalixiinta, waxayna yiraahdeen:
 
“Muslimiinta markii ay furteen!!! Makah waxaa hoggaaminayey Sacuud bin Cabdil-casiis, waxaa waqtigaas magaalada Makah ku yaalley Asnaam aad u fara badan!!!, muddo toban maalmood ah, ayey muslimiintu subax walba u sii kallahayeen, burburinta Asnaamtii faraha badnayd, ee ku taallay magaalada Makah!!” kaas waa hadalka wahaabiaydii uu soo tababaray Maxammed C/waahaab
 
Haddaba waxay su’aashu tahay shabaabku ma sameeyeen tacaddi intaas la eg ama u dhow , tan labaad miyaanay qabri dun duminta , qufashadu ahayn falal ay shabaabku kaga daysadeen sheekhooda Maxammed C/Wahaab iyo wahaabiyadii raacday waddadiisa.
 
Subxaanallaah!. jawaabtu waa cad yahay, wahaabiyadu shar ka abdan midda shabaabka ayey sameeyeen shabaabkuna waxa fuliyeen wahaabiaynnimadii diinta looga dhigay , waxba yaan la qaldin dadka aan aqoonta u lahayn khawaarijta casriga oo looga dhigin in shabaabku kaligood ku yihiin tacaddiyada , waxna aysan ku lahyn waddaadadii waxaan diinta uga digay.
 
Arrinta kale ee la yaabka leh , diintana aan shuqulka ku lahayn waxay tahay :
 
1. In billawgii qarnigii sagaal iyo tobnaad, ee miilaadiyada ay sheegeen wahaabiyadu Makah furteen, kana qabsadeen dad mushrikiin ah!!
 
2. In waqtigaas ay magaalada MakaH ku yaalleen asnaam aad u fara badan!!
 
Waxaa intaas oo dhan, ka sii yaab iyo danbi badan, in asnaamtaas ay sheegeen wahaabiyadu, ay uga jeedaan Maqaamyadii ku yaalley Makah sida Qubuurihii:
 
Asxaabta Rasuulka (CSWS), Taabiciintii, Taabicu-taabiciintii, Asharaaftii (Aalu-baytkii) Rasuulka (CSWS), iyo dhammaan saalixiintii kale, ee muddada kunka sano ka badan, lagu aasayey goobahaas barakaysan, kuwaasoo aanay jirin culamma ama imaamyaal asnaam ku sheegay Wahaabiyada horteed.
 
Tacaddiyo iyo xad gudubyo kuwan oo dhan ka culus, waxay ka geysteen magaalada barakaysan ee Rasuul-ka CSWS, ee Madiinatul Munawarah.
 
Waxaa la ogsoon yahay, inaan magaalooyinka Xaramaynka ee Makah iyo Madiinah sanam lagu caabudeynin, sida Rasuulka (CSW), uu ku caddeeyey Axaadiis aad u fara badan, oo ku yaalla Saxiixul-Bukhaari, Saxiixul- Muslim iyo qayrkoodaba, laakiin wahaabiyada ayaa ah firqa baadiyeysan, oo ka soo hor jeedda diinta Islaamka.
 
Mar kastana soo saarta koox muslimiinta dhibaataysa sida shabaabka iyo ciidankii maxammed C/wahaab oo ay caadada u ahayd laynta muslimiinta , bur burinta qubuuraha culammada iyo qarbudaadda aan la soo koobi karin.
 
Axaadiithta ay u daliishadaan wahaabiyadu, hawlaha duminta qubuuraha, waa kuwa ay u fasireen si khaldan, oo aanu jirin hal imaam oo ku fasiray, tusaale ahaan:


 
1. Ma jiro Saxaabi keliya, oo laga weriyay hal xadiith oo sheegaya, in ay shirki tahay, in qubbad laga dhiso qubuuraha saalixiinta
2. Ma jiro hal Taabici oo sheegay
3. Ma jiro hal taabicu taabici oo sheegay
4. Ma jiro hal imaam oo ka mid ah salafu saalixa oo sheegay
5. Ma jiro kitaab muctamad ah oo ay ku qorantahay.
 
Lagama yaabo wahaabiyadu inay keenaan, hal Imaam oo ah imaamyaalkii salafka ama kuwii qaaday waddadooda, oo shirki iyo gaalnimo ku sheegay arrimahaas.
 
Haddaba sow wahaabiaydu ma aha bidca diinta ka beensheegay haddii ay shay xaq ah oo salafkii qireen xaqnimadiisa ay gaalnima ku sheegeen ?!.
 
Inshaa’allah qoraal gaar ah, ayaan ka diyaarin doonnaa Axaadiithta Rasuulka CSWS iyo Imaamyaalkii diinta Islaamka.
 
Axaadiithtaas oo caddeynaya xaqnimada dhismaha goobaha saalixiinta.
 
Waxaan fasirka iyo fahamka axaadiithta ka qaadan doonnaa, imaamyaalka salafu saalixa, oo ay ugu horreeyaan; Saxaabada Rasuulka CSWS iyo taabiciintooda ; iyo imaamyaalka raacay waddadooda.
 
Fasirka diinta kama qaadan doono, wadaaddo aan hal meel ah kaga jirin taariikhda aqoonta iyo thiqada (kalsoonida) diinta islaamka. Nasiib wanaag, wahaabiyadu waxay karti u yeelan waayeen, inay dumiyaan:
 
1. Qabriga Rasuulka (CSW) 2. Qubbadda cagaaran ee dul saaran qabriga Rasuulka CSWS 3. Iyo masjidka Rasuulka CSWS, oo uu ku dhex yaallo Qabriga Rasuulka CSWS, ayna ka dul dhisantahay Qubbadda cagaaran.
 
Awood way u yeelan waayeen, sidii ay u dumiyeen Qubbadihii iyo masaajiddii kale, ee ay ku dhex yaaleen qubuuraha saalixiintu, iyadoo la og yahay carada adag, ee ay u qabaan Qabriga Rasuulka (CSW), iyo sidey ugu fashalmeen, isku-day fara badan oo ay ku dumin lahaayeen.
 
Waxaa laga yaabaa, in aad is tiraa, suura-gal ma aha, in qof muslim sheeganaya, cara adag u qabo, sidii uu u dumin lahaa, Qabriga Rasuulka CSWS. Laakiin, waxaad xaqiiqada ogaanaysaa, marka aad akhrisato kutubta ay qoreen, ama aad dhegaysato, muxaadarooyinka ay uga hadlayaan Qabriga Rasuulka CSWS, oo ay ku sheegaan furaha shirkiga iyo gaalnimada.
 
Aan tusaale u soo qaadanno, kitaab ay isku raaceen wahaabiyada oo dhan, oo ay jaamacadda wahaabiyada ee "Jaamacah al-islaamiyah" ay darajada cilmiga, ee "Doctoorada ku siiyeen ninkii qorey.
 
kitaabkaas waxay ku magacaabeen “RIYAADUL JANNAH FI RADDI CALAA ACDAA’I SUNNAH” dabcadiisa 4aad.
 
kitaabkaan waxaa qoray, nin ka mid ah kuwa ugu waawayn hoggaamiya-yaasha wahaabiyada, magaciisana la yiraahdo Muqbil ibnu Haaddi Al-Waadici. Kitaabkan wuxuu muqbil ku iftooday in ay waajib tahay:
 
1. In Qabriga Rasuulka CSWS, laga bixiyo Masjidka 2. In la tirtiro, oo la burburiyo Qubbada cagaaran, ee dul saaran Masjidka Rasuulka CSWS 3. In madaxda muslimiinta ay waajib ku tahay, duminta qubbadaha iyo masaajidda, ka dhisan qubuuraha dushooda.
 
Iftooyin tan ka liidata, waxaa kutubtooda ku qoray, sheekhyada ugu waawayn wahaabiyada sida: Albaani, Bin Baaz, Cusaymiin, Aala Fawzaan iyo kuwa kale, oo aan si fiican ugu faahfaahin doonno, qoraalla gaar ah inshaa’allah.
 
Ma jiro xadiith shirki iyo gaalnima ku sheegaya in qabriga Rasuulka CSWS ama saalixiinta kale uu ku dhex yaallo Masaajidda.
 
Wuxuu Rasuulku CSWS, Xadiis saxiix ah ku yiri: “Gurigayga iyo Minbarkayga waxaa dhexdooda ahaaday beer ka mid ah beeraha Jannada".
 
Xadiith kale wuxuu ku yiri CSWS: “Qabrigayga iyo minbarkayga waxaa dhexdooda ahaaday beer ka mid ah beeraha Jannada”.
 
Labadan xadiith waa isku mid, waayo waxaa la ogyahay in Rasuulka CSWS, lagu aasay gurigiisa, oo qabrigiisu uu ku dhex yaallo Masjidka.
 
Waxaa yaab leh!, xataa Yahuudu kuma dhicin, in ay ilaa heerkaas ku xad gudbaan makaanka barakaysan ee uu ku aasanyahay Rasuulku CSWS.


 
Waxaa diyaariyey Lajnada wacyi gelinta Ahlu sunna wal jamaaca.
 

Mustaqiim.com
 

 
Back

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe