

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Caddaynta Xaqa iyo Nasiixada
Xaq doonka Buug uu qoray sheekh
C/Rasaaq Yuusuf Aadan .
{ Taariikhda YURUB }
4 02 2010
➨ yurub iyo Dagaalkii Saliibiyada (1100M – 1400M)
Wuxuu ahaa dagaal muslim iyo gaalo dhexmara kii ugu adkaa ee caalamka soo mara. Wuxuu bilaabmay abbaaraha sanaddii 1,100 Miilaadiyada, wuxuuna dhamaaday qiyaasta 1.400 Miilaadiyada, taasoo macnaheedu yahay inuu socday 300 sano; inkastoo taariikhyahanada isku waafaqsanayn muddada uu socday.
Ujeedada dagaalku wuxuu ahaa Kirishtaanka oo doonayey inay dib u qabsadaan Qudusta barkaysan. Bayzantin waxay markaas ahayd xarunta xadaaradda ugu waynayd adduunka xilligaas.
Waxaa hoos imaanayey dhulal aad u ballaaran oo ku kala yaalla Afrika, Bariga Dhexe, Aasiyada-yar iyo Yurub.
Matalan, dhulalka Bariga dhexe, Masar, liibiya, Tunuusiya, Aljeeriya, Marooko, dhammaan Islaamku wuxuu ka furtay bayzantiinka.
Xadaaradda Bayzantiinka waxay ahayd hoggaanka kiniisadda Kirishtaanka ee xilligaas. Xarunteedu waxay ahayd Qusdandiin oo maanta Istanbuul loo yaqaan.
Islaamku markuu gacanta ku dhigay inta badan dhulalkii hoos imaanayey Bayzantiiniyiinta, wuxuu ku fiday dhulkii xukuumadii Bayzantiinka qudheeda.
Boqortooyada Bayzantiinka markay muddo kula jirtay Islaamka dagaal, dhulkeedana lagu soo siqayey in muddo ah, oo islaamku soo gaaray gidaarada caasimadda Bayzntiinka, ayey ka codsatay dawladihii Yurubta Galbeed oo hoos imaanayey kaniisaddii Roomaanka ciidan la dagaalama Islaamka kana xoreeya Qudus iyo Baytul-laxam oo ah halka uu ku dhashay Nabi Ciise (CS). Waa socoaa-------
Waxaa is xusuusin mudan in kaniisadda Roomaaka ee Yurubta galbeed iyo Bayzantiinka ay u dhexaysey in muddo ahba, xurguf; waayo waxay Bayzantiinku aamminsanaayeen in kaniisadda Roomaku tahay bidco ka falaagowday.
Baadarigii ka tirsanaa madaxda Kaniisadda Roomaanka ee lagu magacaabi jiray Urbaankii labaad, ayaa ugu baaqay dawladihii iyo shucuubtii Yurubta galbeed in loo gurmado Bayzantiiniyiinta oo la xureeyo dhulalka barakaysan.
Inkastoo in ka badan 200 sano aanu joogsan dagaalkii Saliibiyaddu, oo marna foodda la is darayey, marna la isku soo hub urursanayey, haddana waxaa inta badan loo kala qaybiyaa sidatan:-
• Dagaalkii 1aad, sanaddii 1096 ilaa 1099;
• Dagaalkii 2aad, sanaddii 1147 ilaa 1149;
• Dagaalkii 3aad, sanaddii 1189 ilaa 1192;
• Dagaalkii 4aad, sanaddii 1202 ilaa 1204;
• Dagaalkii 5aad, sanaddii 1217 ilaa 1221;
• Dagaalkii 6aad, sanaddii 1228 ilaa 1229;
• Dagaalkii7aad, sanaddii 1248 ilaa1254;
• Dagaalkii 8aad, sanaddii 1270 ilaa 1400. (Dhamaan tariikhahaan waa miilaadiya).
Dagaalkaan Yurub uma kala harin, oo ma lahayn xuduud. Hadafka dagaalka waxay u adeegsadeen magac diineed, laakiin waxaa si weyn u jirey dano ka duwan diinta oo lagu hoos watay; matalan:-
« Boqortooyooyinka Yurub iyo maamulka kaniisadduba waxay rabeen inay ku sii jeediyaan dadkii faraha badnaa ee shaqo la’aanta ahaa ee xilligaas khal-khalka geliyey xasilloonida Yurub.
Waxaa Yurub dhexdeeda si wayn u samaysmay kooxo hubaysan oo iska daa shacabkee xattaa aan cafinayn boqorrada taagta daran.
« Waxaa jiray ganacsato ay u muuqatay in ay dhaq-dhaqaaqa dagaalka ka samayn karaan ganacsi fiican.
« Waxaa jiray wadaadada Kaniisadda Roomaanka oo doonayey inay fursadda uga faa’iidaystaan inay gacanta ku dhigaan hooggaanka Bayzantiinka oo markaas ku midoobaan kaniisadda Roomaaka oo iyagu hoggaamiyaan.
Marka dano diineed, siyaasad, dhaqale iyo bulsho oo isku hoos dhaffan, magacana dagall diineed yahay ayuu ahaa dagaalkii Saliibiyada.
Mustaqiim.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|