Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Maxaa ku kallifay Khawaarijta Al-shabaab in ay xilligaan raadiso midawga Khawaarijta?


4 02 2010
Sida ay Saxaafadda Soomaalidu soo tabisay waxaa maalmihii ugu dambeeyey soconayey xiriirro ay inta badan waddey Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, oo iyagu dani ku qasabtay in ay arrintaas sameeyaan ka dib markii ay dhaafi waayeen xoogaggga Culimada Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
 
Sida laga wada ogsoon yahay, Khawaarijta Al-shabaab, way is kala waynaan jireen dhammaan Khawaarijta kale, waxayna is bideen tabar, taasoo keentey in ay gees uga baxaan Khawaarijta kale. Waxay dhacday in ay Marar badan la dirireen Khawaarijta kale taasoo tustey in awood lee yihiin.
 
Xiriirkaan ay Al-shabaab la samaynaysay Khawaarijta kale ayaa bilawday ka dib markii lagu naafeeyey Dagaalladii ay kula galeen Ciidamada Milateriga Ahlu-sunna Wal-jaamac Goballada dhexe iyo Hiiraan.
 
Waxay kaloo Al-shabaab qiratey in aysan la dagaallami karin Ahlu-sunna Wal-jamaaca, ayna markaan u baahan yihiin Khawaarij kale oo la caabbisa weerarada ay Ahlu-sunna Wal-jamaaca la maaggan tahay in ay kaga soo qaaddo Khawaarijta meelo kala duwan.
 
Al-shabaab, ayaa markaas la xiriirtey Khawaarijta kale iyagoo maciin siyaasadeed iyo mid milateri ka doonayey, hase yeeshee intoodii badnayd waa diideen, waxayna ka mid ahaa kuwii diiday: Mucaskarka Faaruuq, Mucaskarka Khalid iyo Millat, waxayna ku eedeeyeen in ay Al-shabaab horey u diiddey in ay la midoobaan.
 
Al-shabaab oo midawgaan raadinaysay waayadan oo dhan, ayaa gacanta ku soo dhigtay Mucaskarka Raascombooni oo ay horey ugala dagaallantay Magaalada Kismaayo.
 
Sida ay sheegayaan dadka u dhuun-duleela Siyaasadda Khawaarijta ayaa sheegaya in Mucaskarka Raaskombooni uusanba lahayan wax awooda oo uu magac ahaan u jiro, laakiinse uusan cudud ahaan u jirin, maaddaama Maleeshiyadiisii intii badnayd raacday Aadan Madoobe.
 
In kasta oo Al-shabaab wayday dadkii ay ka doonaysay in ay la midawdo, oo ay wada diideen kuwoodii awoodda lahaa, hase yeeshee arrintaan ayaa markhaati ka dhigeysa in ay Al-shabaab cudud ahaan wiiqantay, oo Maleeshiyaadkoodii iyo Madaxdooba la gumaadey, taasoo keentey in ay bilaabaan dadaal ay ku doonayaan in ay la midoobaan Khawaarijta kale, si ay u hesho dad ay u garabsato Milateriga Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
 
Dhanka kale Culimada Ahlu-sunna Wla-jamaaca ayaa u arka Midawgaas mid aan macne keeneyn oo ay Khawaarita oo dhan isugu mid u tahay cagtana ay wada marin doonaan.
 

Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
Mugdisho.Somalia
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
 

 
Back

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe