

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Maxay Qaddiibada Culimad
Ahlu-sunna Wal-jamaaca
Qudbadahoodii Jimcahaan
uga hadleen?
5 02 2010
Khaddiibada Culimada Soomaaliyeed
ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa
maanta Qudbadahoodii Jimacaha
uga Hadley arrimo badan oo ay
ka mid ahaayeen Mashaakillada
Soomaaliya ka taagan, La-dagaallanka
Khawaarijta iyo sida xal waara
loogu heli karo Xaaladda Soomaaliya
ee murugsan.
Qaddiibada Culimada Ahlu-sunna
Wal-jamaaca ee Goballada dhexe
ayaa Maanta aad uga hadlay Xaaladda
ammaan-daro ee ka jirta waddanka
Soomaaliya gaar ahaan Koofurta
Soomaaliya, taasoo ay abuureen
Dad Qaswade-yaal ah oo ay ku
adeegtaan dad Shisheeye ah, oo
aan dan iyo hello toona ka laheyn
Waddanka iyo Ummada Soomaaliyeed.
Culimadu waxay kaga hadleen in uu
xalka Soomaaliyeed ku jiro iyadoo
la iska qabto dadka mannaxa-yaasha
ah ee ku liibaana Dhiigga Ummadda
Soomaaliyeed.
Waxaa loo baahan yahay ayey
yiraahdeen Culimadu in hal
dhinac looga soo wada jeesto
dadkaas, oo waddanka Soomaaliya
gebi ahaamba laga wada suuliyo.
Waxay Culimadu aad uga hadleen
dadka Masaakiinta ah ee Xamar
lagu leynayo oo ay mas’uulka
ka yihiin Khawaarijtu, iyagoo
Culimadu Alle uga baryey in
dadkii ku dhintey Wax-yeellada
Khawaarijta uu Jannadii geeyo,
ehaladoodiina Samir iyo iimaan
alle ka siiyo.
Waxay sidoo kale Culimadu aad
kaga warrameen khayrka ku jira
in bidcada iyo Khawaarijta lala
dagaallamo, iyagoo shacabka
Soomaaliyeed guud ahaan iyo kan
Gobalada dhexe gar ahaan ku
boorriyey in ay hal-ganka la-dagaallanka
Khawaarijta halkaas ka sii wadaan,
si markaas Soomaaliya looga suuliyo
Shar-wade-yaashaas dabadeedna
Soomaaliya loogu helo xal waara.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|