Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Soomalidu madanbilayaal baa mise waa dandoon. Qalinkii.cabaas Mohamed sheikh Yusuf


6 02 2010
FAALO : Soomaaliya, waa dal fac weyn dadkiisuna waa reer guuraa dhaqankiisuna waa Diinta Islaamka, dadka soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa iney yihiin dad wax soo saar badan inkastoo ay ka mid yihiin dunida saddaxaad hadana in kabadan 19 sano ma ayan helin nidaam dowladeed si kastaba waxey ka mid noqdeen dadka ugu badan ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dunida dacaladiisa.
 
Dadka soomaaliyeed waxaa la dagtay diifta iyo colaada oo isku dhiibay iney ku noolaadaan dulli, inkastoo aysan helin fursad wax barasho hadana dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ayaa ku jahwareersan caalamka qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradaas oo door biday iney ku naf waayaan meelo aan munaasab ku aheyn si ay u helaan nolol ka wanaagsan mid ay hadda ku jiraan.
 
Soomaalidu, waa dad jecel iney horumar sameeyaan taas waxaa daliil u ah dalal badan oo ay soomaalidu ku tageen qax iyo naf raadis ayaa iyaga maciin biday ganacsatada Soomaaliyeed oo waliba la arkayay in guryo waa weyn ay ka dhisteen dalalkaas sidoo kale ganacsatadaas waxey shaqaaleysiiyeen in ka badan 15,000 oo shaqaalo ajaanib ah waloow ay ganacsatadu dan iyo heelo ka laheyn dabka ka aloosan dalka soomaaliya.
 
Hadaba aqristow, waligaa ma is weydisay sababta keentay in dalka soomaaliya ay dagaalada uga istaagi la’yihiin iyo waliba sababta dadka soomaaliyeed ay u jecel yihiin dalalka kale iney ku noolaadaan oo waliba ay ka shaqeeystaan.? dhammaan su’aalahaas waxey ku tusinayaan ineysan jirin damiir dadnimo oo ku jirto dadka soomaaliyeed taasoo ugu dambeystii lumisay kalsoonidoodii keentayna cuqdad iyo kalsooni daro weyn oo ka dhigtay in uu qofka ku raaxeysto qof kale oo walaalkiis ah oo lagu dhibaateynayo ama ku dhibaateysan goob, dadka soomaaliyeed waxey noqdeen dad u nugul wax kasto waayo malahan wax go’aan ah oo ay ka gaari karaan noloshooda.
 
Malahan odayaal dhaqameedyo wanaagsan oo bulshada wax fiican u horkaco waxaa hada ka hor tix gabay ah ka tiriyay abwaan Guure oo si weyn ula yaabay sababtay ay horay uga aqbaleen odayaal dhaqameedka soomaaliyeed fikradaha guracan ee hogaamiya kooxeedyada wateen, erayadii abwaanka uu tiriyay waxaanu ka xusi karnaa (Ma su’aalin odayadi matalayey qabiilada) “waxa madax qalala iyo meed badan inuu dhaco looga maarmi wayey oo Makri loogu Ciidami” waana arin xaqiiqa ah hadalku abwaanka uu sheegaayo ugu dambeeyntii waxey sababtay in dhalinyarada soomaaliyeed ay noqdaan Maliibaanayaasha lagu liibaano.
 
Qaar badan oo ka mid ah dadka soomaliyeed ayaa waxey ku jiraan Teendhooyin ay u Oodeen hey’ado wax u qabta qaxootiga aduunka, dadka soomaalida oo ku nool xirooyinka qaxootiga waxey ku nool yihiin nolol aan laga sheekeyn Karin ma heystaan caafimaad iskaba daaye wax barasho, qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaan heysanin Mustaqbal dambe oo ay tiigsanayaan.
 
Taas waxaa kadaran higsashadii ay higsanayeen dibada oo soo afjarmeysa sababa la xariira dhibkii ay ugu geysanayeen gudaha hadana ay dibadi qal qal ka galiyeen kooxda khawarijta casriga ee soomaliya oo dhaxashay in la amini waayo somalida lagana shakiyo.
 
Dadka soomaaliyeed ma heystaan nolol sharaf leh waayoo horaa waxaa loo yiri Dalkiisa ninkii dumiya ma huro wal wal iyo walbahaar kuwo iyagoo raadinaayaan nolol wanaagsan ayaa waxey hoostageen nolol xun oo ilmahooda dhaxalsiiso qawsaarnimo iyagna ku seexisay walbahar aan dhamad lahayn.
 
Aalaaba hadii la arko qof soomaali ah waa inuu wataa lacag laaluush ah si uu badbaado sharciguu rabo ha watee, hadii aad tagto Garoomada, xuduudaha, goobaha ay joogaan ciidamada wadamada dariska ah qasatan wadanka kenya waxaa miiska saaran soomaaliya aan marnaba lagu deynin sharciguu wato runimadiisa ama ben abuurkiisa, xitaa aanba loo aqoonsan magaca soomalinimada.
 
Bada meel macaan malahan soomaaliyana meel ay ku fakaneyso malahan wadanku wuu holcayaa, dhalinyarada inta badan waxey ku sii socdaan xuduudaha aduunka qaar badan oo dadka soomaaliyeed ka mid ah waxey guryo iyo ganacsi ka sameeynayaan wadamo islaameed, kuwa kale waxey dhib weyn ku qabaan nolosha qaxootinimo ay lumisay mustaqbalkoodii,
 
Ma is weydiinay waxa nagu dhacay iyo waxaa aan kasbanay oo mowluhu uu noo ciqaabaayo, jawaabtu waa mid ku dagdageysa maankaga hadi aad ka shaqeysid waxana ku qiyaasi karnaa qodobo dhawr ah oo kala ah.
 

1.in aana ku dhaqmin diinta islaamka .
2.in an ka been sheegnay diinta islamka ana gacansiinay kuwa ka been abuuranayah
 
diinta islaamka. 3.in aan katagnay culumadi asalka u ahayd qaranimada iyo jihaynta soomaliya ee ahlusunna waljamaca ana ka dhiganay kuwa ana u ahayn ehel in wax laga qaato.
 
Hayeeshee waxaan maqaalkeygaan rabaa inaan kusoo gaba gabeeyo Soomaaliya Waa dal Duriyad Damiirlaawe u Aqoonsaday in ay dad iyo Dal noqdaan, waana tan maantay ka liftay in somalidu noqdaan dad aduunka laga bartilmameysto, waxaana is waydiin mudan Soomaalidu ma danbiilayaal baa mise waa wax loogu Danleeyahay ?.
 

Email. cabaaswadani@hotmail.com
 

 
Back

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe