

BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
Contect Us
Mustaqiimcom@hotmail.com
A
Ahlusunna
Albaabuldiin
Nasrudiin
Nuuruliimaan
Shaaficiyah
Shariica
warsheekh
Allpuntland
Aminarts
bbcs omali
C
Calanka
D
Dayniile
G
gedoonline
Galgaduudpost
Galgaduud.net
Gargaarka
H
Hiiraan
Hornafrik
j
jowhar
m
Mustaqiim
N
Nuuruliimaan
S
Shariica
Shaaficiyah
W
Warsheekh
Waagacusub
Wadanka
|
Guddoomiyaha jaaliyadda ardayda
wadanka masar C,fataax sh,
A/rashiid sh,yusuf oo ka
warbixiyey maamulka ahlu
sunna wal-jamaaca ee dalka Masar.
8 02 2010
Ilaahay ayey mahadi u sugnaataye
Jaaliyadda soomaaliyeed iyo
dhallinyarada ku nool waddanka
masar waxaa ka hana qaaday
guddi maamul oo ku hawl gala
maga Ahlusunna waljamaaca .
Ahlusunna, markaan leeyahay waxaan
uga jeedaa ahlusunnaha somalida ah ,
maadaama aan ognahay in waddanka
Masar uu yahay waddamada aadka
u taakuleeya lagana aaminsan
yahay ahlusuna waljamaaca ,
waxaanba dhihi karaa waddanka
masar waa wadan 100/90 ahlusunna
wal-jamaaca ah.
Haddaba , annaga oo fursadahaas ka
faa'iidaysanayna waxaan sameynay
maamul ahlu sunna wal jamaaca ah
oo u adeega dadka soomaalida ah ,
gaar ahaan ardada wax ka barata
jaamacadaha iyo iskuullada dalka Masar.
Wuxuuna maamulkaasi leeyahay guddi
fulin oo ka kooban (5)xubnood .
kuwaas oo kala ah :
1. guddoomiye
2. Guddoomiye ku xigen
3. Xog-Haye
4. Xubin dhaqale
5. Xubin waxbarashada iyo faafinta
caqiidada suuban .
Waxyaalaha noo qabsoomay waxaa ka mid
ah arrima badan oo ay ka mid yihiin:
• Waxaan midaynay oon isbarnay bah
weynta ahlusuna waljamaaca ee ku
nool waddanka masar , gaar ahan
dhallinyarada wax kabarata dalkan,
iyo kuwa ka baxay jaamacadaha .
• Waxaan xiriirra aqoon is weydaarsi
iyo kuwa abaabul u samaynay ardada
ahlu sunna ee wax ka barta jaamacadaha
caalamka , gaar ahaan kuwa wax ka
barta waddamada carabta.
• Waxaan samaynay maktabado iyo
goob cilmiyeedyo lagu horummarinayo
aqoonta iyo wacyiga da' yarta
ku nool waddanka masar.
• Waxaan samaynay wacyi gelin
iyo dikriyaad dadka lagu faro
wanaagga , xumaantana looga reebo.
• Waxaan qaban-qaabinay oon
dhignay Munaasabaadka diiniga ah
sida : Mowliidka Rasuulka CSW ,
Al-israa wal micraaj iyo munaasabadaha
kale sida xuska culammada.
Gudigan fulinta ee ahlusanna
wal jamaaca ee masar ma qaataan
wax mushaar ah , mana jirto cid
debedda ka tageerta ; waxayna
ku shaqeeyaan ( fii sabiilillaah)
illahay dartiis .
Guddiga fulinta ee ahlu sunna
wal jamaaca waxaa la doortaa
sanadkiiba mar .
Guddigeenna wuxuu xariir dhow
la leeyahay golaha sare ee
dariiqooyinka suufiyada, oo
ah gole weyn oo ka jira
waddanka masar , ayna ku
kulan-sanyihiin boqollaal
dariiqooyin suufiyo ah ,
waxaanna isu diyaarinaynaa
in aan ka mid noqonno
gola waynahaas mideeya
dariiqooyinka ahlu sunna wal jamaaca.
Ugu danbeyn waxaan dhallinyarada
ahlu sunnada ee ku nool soomaaliya
iyo caalamkaba ugu baaqaynaa
in ay samaystaan gole mideeya
dhallinyarada Ahlu sunna waljamaaca.
Si aan u wada meel marinno hawlaha
wax tarka u ah dhallin-yaradeenna ,
maadaama lawada ogyahay in
haddii dhallinyaradu hagaagaan
ay hubaal tahay in ay
wanagsanaa-nayaan mujtamaca intiisa kale.
Mahadsanidiin.
Suubane120@hotmail.com.
GUdoomiyaha jaaliyada ardayda
waddanka maAsar c,fataax sh, A/Rashiid sh,yusuf
Mustaqiim.com

|

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca

Sh,Cabdulqadir Baajuuri

Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan

Sheekh Cali Nuur Cilmi

Sh: Maxamud Cali Waceys

Sh: Omar sh.mohamed farax
Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
ee g/dhrxe
|
|