Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Siyaaraadki Sheekh C/qaadir Jiilaani iyo Sheekh Cabdala & Sheekh Cawareere oo lagu Qabtay Kambaala (Sawiro)


8 02 2010
Culuma’udiinka Ahlusunnah Waljamaac ee Wadanka Yugaandha, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haweynka ku nool magaalada Caasimada ah ee Kambaala ayaa siweyn uga soo qeybgalay Siyaaradi Sheekha weyn ee Macruufka ah ee Sheekh C/qaadir Jiilaani iyo Masha’iqda kale Sheekh Cabdala iyo Sheekh Cawareere oo lagu qabtay Xarunta Ahlusunnah Waljamaac ee Magaalada Kambaala.
 
Xirta Culimada Ahlusunnah Waljamaac Oo Qur’aan Aqriska Siyaarada kadib halkaa kusoo bandhigay Qasiidooyin isugu jiro Nabi amaan, iyo kuwa lagu tacdiiminayo Shiikheeni Sheekh C/qaadir Jiilaani iyo Qaar kaloo sidoo kale lagu dajiyay Sheekhyadeeni Sheekh Cabdala iyo Cawareere oo ay kamid tahay Qasiidada oo dajiyay Sheekh C/raxman Ow Cumar Al Warshiikhi oo ku weyneenayay Masha’iqda waa weyne Sheekh Cabdala iyo Cawareere
 
Sidoo kale kulankaan ayaa waxa uu gogol xaar loogu sameyanayay duyaar garowga Bilawga Bisha barakaeesan ee Mowliid oo ah Bisha uu dhashay Nabigeeni Muxamad C/S/W isla markaana Muslimiinta oo idil looga doonayo in ay weyneeyaan maalintaan Qiimaha iyo Qadarinta Diiniga ah Xambaarsan.
 
Kasoo qebgalka siyaarada masha’iqda oo aynan ukala harin Somalida kunool magaalada Kambaala ayaa waxa halkaasi kula hadlay dadki kasoo qeybgalay Culuma’udiinka ahlusunnah waljamaac oo halkaa kasoo jeediyay Muxaadarooyin ruxay Qalbiyada dadki kaoso qeybgalay.
 
Sheekh Cabdifitaax Sheekh Maxamed Guuleed oo kamid ahaa Culimadi kasoo qeybgashay Siyaarada isla markaana soo jeediyay muxaadaro Qushuuc iyo fiiro gelisay Dadki kasoo qeybgalay Siyaarooyinka Sheekh Jiilaani iyo Sheekh Cabdala iyo Cawareere.
 
Sheekh Cabdifitaax oo si weyn ugu nuux nuuxsaday adilooyinka Xuska Dadka saalixiinta ah iyo wiliba sadaqa loo bixiyo dad geeriyooday ha ahaadaano Culimadaada, Waalidkaaga iyo Dad kale oo aqribada ah in uu eebe gaarsiinayo Xasaanad walba oo aad uniyeesato.
 
Sheekha oo si cad uga hadlay shareecada waxa ay ka qabto xuska dadka ahlu iimaanka ah ee geeriyooday isagoo dhanka kalena sheegay in ay ku cadahay Qur’aanka kariimka kana sugnaatay ficil ahaan Nabigeeni Muxamad (C/S/W) iyo Asxaabtiisa isagoo daliil usoo qaatay in Caa’isha oo kamid ah hooyooyinka Mu’miniinta ahna Xaaska Nabigeeni Muxamad C/S/W. ay xiliyada ay murugada ama geerida asiibto Aqribadeeda ay bixin jirtay raashin ay siineeso dadki kasoo qeybgalay aaska.
 
Sheekh Cabdifitaax Sheekh Maxamed guuleed ayaa sidoo kale waxa uu shacabka somaliyeed udiray fariin digniin ah isagoo ugu baaqay in ay ku kadsoomin amaba kusirmin caqiidada fasahaadsan ee wahaabiyada mar walba ku carqaladeeyaan caqiidadooda suuban ee dadaalka dheer usoo mareen.
 
Sheekh Xasan Aadan (Kamacle) oo kamid ah Culuma’udiika ahlusunnah Waljamaac ee magaalada Kambaala oo sina ka hadlay halkaa ayaa waxa uu muuxadariisa kusoo qaatay fadliga iyo mudnaanta ay leedahay Xuska nabigeeni Muxamad C/S/W oo iminka fooda inagu so hayo
 
Sheekh xasan ayaa waxa uu si weyn uga hadlay fadliga iyo mudnaanta ay leedahay weyneenta Maalinta uu dhashay nabigeeni muxamad iyadoo sidoo kale oo tilmaamay in maalintaan lagu kala garto qof waliba iimaankiisa iyo maxabada nabigiisa inta ay la egtahay.
 
Sheekh Xasan ayaa dadka reer Kambaala gaar ahaan Somalida ugu baaqay in ay ka faa’iideesataan munaasabadaan muhiimka ah ee ajirka iyo maqaamka lagu helayo.
 
Sheekh Xasan oo soo qaadanayay mid kamid ah gafafka ay ugeestaan xuska Nabiyulaahi Muxamad raga wahaabiyada ah ee udhar dhigtay aflagaadeenta iyo mira habaabinta shacabka iyo Diintooda ayaa waxa uu yiri “ Rag baa ku tilmaamay Xuska Nabigeeni Muxamad C/S/W ajir lagu hela iska daayee in ay la mid tahay Maalinta Gaalada ay ciidaan ee loo yaqaano, “Karismiska”, ilaah baan ka magan galnay shartooda xad dhaaftay” ayuu shiikah si kulul uyiri. .
 
Sheekh C/qaadir Macalin Ibraahim (Suni) oo ah gudoomiyaha Culuma’udiinka Ahlusunnah ee Wadanka Yugaandha ayaa isagana waxa uu aad ugu nuux nuuxsaday Fadliga iyo ajirka ay xanbaarsantahay Bilashada Bisha Mowliid.
 
Sheekh Sunni ayaa shacabka Somaliyeed ee kunool wadanka Yugaandha waxa uu ugu baaqay in ay uwada istaagaan sida loo weyneen lahaan maalintaan Qiimaha badan ee astaan Diini ah isla markaana lagu kala saaro hadba maxabada nabiga qof waliba inta ay la egtahay .
 
Sheekh suni ayaa umada somaliyeed iyo Caalamka Islaamka ahba ugu Baaqay munaasabadahaan fadliga badan aawgeed in uu ka dulqaado dhibka iyo dhibaatada joogtada ah ee heesato isagoo dhanka kalena ugu duceeyay Culuma’udiinka ahlusunnah waljamaac meel kasta oo ay joogaan in ay usara kacaan bad baadada umadooda loogana fadhiyo in ay bad baadiyaan Caqiidada Umada ay Indhaha uyihiin.
 
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Culimada kale ee Sheekh Maxamed Faandho iyo Sheekh Nuur Daahir Guud Cad oo dhamaan si aad ah uga hadlay fadliga iyo muhiimaa ay leedahay xuska Owliyada ilahey iyo udiyaargarowga Bilashada Bisha barakeesan ee Mowliid ama Rabiicul Awalka.
 
Gunaanadki Muxaadarada kadib ayaa waxa Culimadi kasoo qeybashay siyaarada waxa ay oogeen Xilqo dikri ah taas oo aan loo kala kicin ilaa laga gaaray salaada subax kadibna culimada fasax iyo idin siiyeen xirti iyo dadweynihi kale ee kasoo qeybgalay siyaarada Shiikha weyn ee macruufka Sheekh c/qaadir Jiilani iyo Sheekhyada kale ee Caalimiinta ah ee Sheekh Cabdala iyo Sheekh Cawareere
 
Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani Siyaaradii Sheekh Jiilaani

Filim Qaade
Sheekh Feysal Yuusuf Kulane
Jaamac Dheer
 
W/D: Abdirahman Sheikh Abdulahi
E-Mail: Farxad95@hotmail.com
C/o: Kampala Yuganda
 

 
Back

Macallim Maxamud Sh.Xasan
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Maxamud Cali Waceys
Sh: Omar sh.mohamed farax
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe