Quraan
Home | Saxiixul Muslim | Taysiir Musdalax | Tafsiir | | Muxaadro | Siiro | Naxwe
Picture links Our News & History Picture links

Qurans
BBC 04:00 AM
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00

Contect Us Qurans

Mustaqiimcom@hotmail.com


A Ahlusunna

Albaabuldiin

Nasrudiin

Nuuruliimaan

Shaaficiyah

Shariica

warsheekh

Allpuntland

Aminarts

bbcs omali

C

Calanka

D

Dayniile

G

gedoonline

Galgaduudpost

Galgaduud.net

Gargaarka

H

Hiiraan

Hornafrik

j

jowhar

m

Mustaqiim

N

Nuuruliimaan

S

Shariica

Shaaficiyah

W

Warsheekh

Waagacusub

Wadanka
Qurans


Soomaalida deggan Dalka Ugandha oo cabsi xooggani soo food saartay kadib markii Khawaarijtu sheegatay in ay iyagu ka danbeeyeen Qaraxii lagu hoobtay.


14 07 2010

 


Dalka ugaandha wuxuu ahaa waddan aad loogu soo dhoweeyey Soomaalida, waxayna soomaalidu shacabka Ugaanda iyo dawladdoodaba kala kulmeen tix gelin iyo dhowris turriina huwan, in kastoo uu mugdi iyo khalad badani ka jiro dhinaca ciidammadooda jooga dalka Soomaaliya.


Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta soomaalida Ugaandha deggan ka muuqata wel wel iyo cabsi badan, waxayna is weydiinayaan sida wax noqon doonaan.

Sidaas darteed, waxaa aad u habboon in dalka Ugaandha ay xaaladda dejiyaan, ogaadaanna in inta badan mushkiladaha shabaabku aysan ku koobanyn soomaalida, ee ay tahay mushkilad ay wataan ajaanib dhagar qabayaal ah;


Xataa waxaa laga yaabaa in kooxda ama qofka qaraxa fuliyey uu yahay qof  dhalasha ahaan Ugaandheys ah, laakiin haysta fikradda khawaarijta shabaabka ee ay ajaanibtu maamusho, waana laga yaabaa in uu cid kale yahay, kolley waxa afkooda xilka leh ka qirtay waa khawaarijta Al-shabaab, iyagoo ku hadlaya afka calooshood u shaqaystayaasha wahaabiyada ah ee ay ajaanibtu hoggaamiyaan.

Soomaalida waxay ku maashootay halaag iyo mushkilado  aanay aqoon meesha looga baxo, aysanna haysan aqoonyahamiin, saraakiil, hoggaamiyaal iyo wax garad u istaaga samata bixinta ummadda.


Bal iyaga ruuxooda ayaanba aqoon meel laga jiro, waxayna  intooda badani u adeegaan kuwa shacabka ku maansheeyey halaagga.

Waxayna dadkaas loo arko in ay yihiin indhaha shacabku ku mashquulaan hanti raadis iyo magac doon aan qorshe sax ah ku qotomin.


Waxayna cadawga ummaddu kuwaas hunguri doonka ah u diyariyeen, hanti loogusoo dhiibay in ay ku gadaan kuwa nuucooda ah ee damiirku ku yar yahay.

Baabi’inta iyo halaagga shacabka waxaa iska kaashaday dawalda waawayn, hay’ado caalami ah,ururro goboleedyo, hantiilayaal caalami ah,qaar ka mid ah kuwii soomaaliya madaxda ka soo noqday, dawladaha gacan ku rimiska ah ee dalaka loo sameeyo, cidammada Amesom, danbiilayaal caalami ah oo aan haysan meel ay gabbaad ka dhigtaan iwm. Waxayna dhammaan kooxahani ku shaqeeyaan fikrado gurracan oo garab iyo taageero u ah khawaarijta dadka gumaadaya ee shabaabku horseedka u yihiin iyo Ajaanibta ka dhinac dagaallanta.


Dawladda KMG : Kooxda dawladda sheegata waxay siisaa shabaabka iyo kuwa sheegtay Xisbul Islamka hub, dhaqaale iyo taageerooyin kala duwan.

Waxay kala je jebiyaan, isku diraan, Xoogagga ahlu sunna wal jamaaca ee la dagaallama shabaabka iyo Xisbu shaydaanka, waxayna ku inqilaabaan Ahlu sunnada dad aan iyaga ka tirsanayn sida Axmad C/Salaan Dhuxuloow IWM.


Aamsom: ciidammada lagu magacaabay Nabad ilaalinta ee Ugaandha iyo Burundi waxay dan u arkaan in ay sii joogaan Soomaaliya sidaas darteed, waxay ka shaqeeyaan sii jiritaanka shabvaabka si ay u sii jirto sabab ay ku joogi karaan.

Waxay ka soo hor jeestaan wax kasta oo ay u arkaan in shabaabka lagu jebin karo meeshana lagagaga saari karo, mana jecla in soomaaliya nabad gelyo ka dhalato maadaama ay dhaqaale badan ku haystaan.


Xasuuqa aan wax qabadka lahayn ee Amisom geysaneysey muddada faraha badan wuxuu fursad iyo qiilba u yahay Shabaabka, Xisbu shaydaanka iyo cid kasta oo doonaysa in ay mar marsiiyo u hesho waxa ay ku sheegaan argagixisada.

Tusaale waxaa ugu filan hadalkii uu afhayeenka Khaewaarijta shabaabku ku qirtay Qaraxii ka dhacay Ugaanda; wuxuu dadka soomaaliyeed ku beer dulucsanayey in qaraxaas ay shabaabku ugu aareen dadkii Soomaaliyeed ee ciidammada Ugaandheesku ku laayeen magaalada MUqdisho.


Wuxuu sheegay in dadka Ugaanda kaga le’day qaraxan ay ka yaryihiin dadka ay hal maalin Ugandheysku ku laayaan madaafiicda.

Waxaa xaqiiqa ah in hadalkaas ay soo dhoweeynayaan dad badan oo soomaali ah oo ma fekereyaal iyo maangaaab isugu jira, dadkaasoo aan garan karin in dhibka shabaabku uu kas ii xunyahay kan Ugandheyska, aysanna jirin  wax uu taray ama uu xalliyey Qaraxa ay shabaabku qirteen, uuna yahay mid dhib uun soo kordhiyey.


Qaxii iyo duqayntii muqdisho ayey doomayaan in ay ku kordhiyaan qax iyo layn kale oo loo gaysto dadka u qaxay waddamada ay duqeynta u geysteen, iyo kuwa ay u hanjabaan.

Shabaabka iyo Xisbiga fasaadka : khawaarijta Al-shabaab iyo xisbiga xasan daaahir Aweys waxay gacan siiyeen cadawga soomaaliya meel kastoo uu adduunka ka joogo.


Waxay cadawga ku taageereen in soomaaliya la bur buriyo, la qaxiyo, gacn gumaysina dib loogu loo celiyo Alle ma qaddaree. Waxay Shabaabka khawaarijtu soomaalidii ka dhigeen qaar ay laayeen, qaar sababtooda loo laayey, qaar ay bara kiciyeen, qaar sababtooda loo bara kiciyey, qar ay dhaceen, qaar sabtooda loo dhacay, iyo qaar sugaya in intaas oo dhan lagu sameeyo.

Dawladaha waawayn : Dawladaha dunida hor booda ee mareykanku hormuudka u yahay waxay ogaal ama ogaal darro, ama farsamo xumo u sameeyaan falal khatar ah oo sii xoojinaya awoodda iyo sii jiritaanka waxa ay ku sheegaan Islamiyenta arga gixisada ah sida shabaabka Xisbiga Awes IWM., waxaana xaqiiqada arrimahaas  noogu filan :


Qayb ka mid ah madaxdii shabaabka ayey si maqaarsaar ah ugu magacaabeen uguna aqoonsadeen Dawlad Soomaaliyeed, taas waxay keentay in ay dalka ku sii xoogaystaan kooxda Al-Shabaabku waayo mucaaradkii iyo dawladdii soomaaliya waxaa loo aqoonsaday kooxo isku mid ah; oo isku wahaabiya ah kana wada tirsanaa Ururkii Maxaakimta wahaabiyada ee shabaabku gar wadeenka u ahaa.

Iyagoo ay dawladahaasi ogyihiin ayey hubka lacagaha iyo  ciidammada ay taba baraan waxaa lagu xoojiyaa shabaabka.


Waxay shariifka iyo gacnyarayaashiisa ku taageeraan kala bur burinta Ahlu-sunna wal jamaaca, oo ah cidda keliya ee si dhab oo mab’da’i ah uga soo hor jeedda Shabaabka,lana ogaaday in ay uga adagyihiin dagallada.

Waxay dawladahaasi gacn ka gaystaan in aan dawlad sax ihi ka dhalato Dalka Soomaaliya, taasna waxay qasab ka dhigaysaa in ay dalka ku sii xoogaystaan shabaabka iyo dhamaan kooxaha ay ku sheegaan argagixisada.


Iyagoo intaas oo taageera ah u fidiyey khawaarijta ayey haddana waxay u sameyaan sumcad si weyn u qaladda dadka aan xoog ogaalka ahayn iyo kuwa aan garashada lahayn, kuwaasoo u qaata in kooxahan ay ku sheegeen Islaamiyiinta ee khawaarijta ihi ay yihiin kuwa Gaalada neceb, islaamkna difaacaya!!.

Shacabka Soomaaliyeed : shacabku iyaga ayaa sababta u weyn leh gacmohooda iyo afkoodana ku taageera in khawaarijta shabaabka iyo xisbu shaydaanku qabsado shacabka, sababaha soo socda awgeed .


Shacabku waxay si aan kala har lahayn u taageereen Maxkamadihii wahaabiyada ee dhalay shabaabka iyo xisiga fasaadka.

Culammadoodii soo jireenka ahaa ayey ku caasiyeen, waxayna ku beddesheen khawaarij wahaabiya ah oo muslimiinta gaala ku sheegaya, meel kasta ku laynaya, oo xataa aan cafinayn qof masaajid ka soo baxay, ama ku dhex jira; khawaarij shabaab ah oo dilaya qof kasta, xataa aan cafinayn sheekhyadooda iyo mucallimiintii Quraanka soo baray.


Shacabku waxay weli sii wadaan taageerada wahaabiayda, waxayna meel kasta uga uruuriyaan dhaqaalihii ay ku sii wadan lahaayeen dhiig daadinta, diin beddelidda, dad wahaabiyeysiinta, iyo diyaarinta dagaallada joogtada ah, tusaale waxaa noogu filan lacagta faraha badan ee wadaadada wahaabiaydu ka urursadaan TV-ga Unefersal iyo kuwa la midka ah.

Waxay faafiyaan, dhegeystaan cajaladaha wadaadada Wahaabiyada , waxayna buuxiyaan goobaha ay  dadka ku duufsadaan, dhaqaalahana ku aruursadaan.


Waxay caan ka dhigaan wadaaddada wahaabiayda oo ah kuwii shabaabka duufsaday, xabbaddana u dhiibey; waxayna qaataan iftohooda aan xaq ahayn ee ku dhisan gaalaysiinta wahaabiyannimada ah.

Waxay diidaan in ay taageeraan culammada ka soo hor jeedda bidcannimada khawarijta wahaabiayda ah, waxayna mar kasta sabab u noqdaan in wahaabiayda shabaabku sii xoogaystaan.


Arrimahaas iyo kuwa ka daran oo khatar iyo bur bur u ah  ayey mar kasta shacabku taageeraan.

Culammada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca: madaxda dariiqooyinka iyo mudarrisiinta Ahlu sunna wal-jamaaca qaarkood dhaliil weyn ayey ku leeyihiin layacaadda shacabka, waxayna fursada badan siiyeen khawaarijta khatarta ku ah jiritaankooda iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeeed. Sababha ay culammadu fursadaha ugu noqdeen khawaarijta waxaa ka mid ah :


Waxay yareeyeen caddaynta xaqiiqada wahaabiayda iyo ka digista khatarohooda.

Qaarkood waxay ku jiha wareereen habka ama qaab shir-qooleedka qorshaysan ee ay khawaarijtu isu kala qaybiyeen iyo magacyada ay la kala baxeen, waxayna qaar ka mid ah culammada ahlu sunnadu soo dhoweysteen qayb ka mid ah firqooyinka ku ganbada magaca diinka, taasoo ugu danbeyntii   ku dhammaata khasaare iyo bur bur aan ciribtisa la mahdin.


Qaar ka mid ah wadaadada waxay taageereen barnaamijta qabyaaladeysan, taasoo ugu danbeysta ku dhammaata in ay taageeraan hawlaha iyo dhaq dhaqaaqyada wahaabiyada, maadaama ay wahaabiyadu qabiilka ka mid yihiin, welibana ay haystaan dhaqaale ay ku soo jiitaan qabiilka, kuna afduubaan rabitaannada kala duwan.

Intaas oo dhan waxaa u dheer Culammaa’udiinka ahlu sunna wal jamaaca maadaama ay ku badanyihiin dadka daacadda ihi waxaa jira kuwa ku soo dhex dhuunta oo Ahlu dariiqa sheegta iyaga oo aan ahayn, ama xiriir toos ah iyo mid qarsoonba la leh khawaarijta wahaabiayda ah.


Kooxahani waxay iyagoo isugu jira qaar is og iyo kuwa aan is ogaynba ay dhib badan iyo dibin daabyo joogta ah u geystaan dadka u dhaq dhaqaaqaya ahlu sunnada, lana daagallamaya khawaarijta.

Marka la isku soo duubo dhammaan arrimahaa aan kor ku soo ogaannay soomaaliya waxay u baahantahay dad daacad ah, nadiif ah, aan la gadan karin, la cabsiin karin, aqon durugsanna u leh tabaha iyo khiyaanooyinka cadawga, kuwa is og iyo kuwa aan is ogaynba;


Kana dabaalan kara khataraha kor ku xusan oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa maxalli ah, waxaana xaqiiqa ah in dadkaasi haddii ay Alle tal saartaan, is xilqaan buuxana la yimaadaan ay caalamka iyo gudahaba ka heli karaan taageero wax ku ool ah oo ay ku muujin karaan xaqaa’iqa, kuna tallaabsan karaan xornimo loo aayo iyo qarannimo ku dhisan nabad, wanaag xaq iyo caddaalad ay ummadda soomaaliyeeed dib ugu soo ceshadaan dawladnimadoodii anbatay.

Sheekh Cabdu Rasaaq Yuusuf aadan.


Saadaats@hotmail.com

 
Back

Qurans
Macallim Maxamud Sh.Xasan Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca
Qurans
Sh,Cabdulqadir Baajuuri
Qurans
Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan
Qurans
Sheekh Cali Nuur Cilmi
Qurans
Sh: Maxamud Cali Waceys
Qurans
Sh: Omar sh.mohamed farax Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee g/dhrxe